Borama News Network

Guddoomiye Aaden Madoobe oo u safray Algeria xilli xaaladda baarlamaanka Soomaaliya aaney degganeyn

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa u safray dalka Algeria, halkaas uu uga qeyb geli doono shirka Guddoomiyaasha Baarlamaanadda Carabta oo maalmaha soo aadden ka furmaya halkaa.

Aaden Madoobe ayaa safarkiisu imaanayaa xilli xaaladda baarlamaanka Soomaaliya aaney fadhin oo kulankii shalay uu hareeyay buuq iyo gacan ka hadal.

Guddoomiyaha ayaa xalay warqad uu soo saaray ku sheegay in labaatan laga joojiyay fadhiyada golaha shacabka sababo amni dartood.

Hase-yeeshee xildhibaannadaan laga mamnuucay in ay ka qayb galaan kulamada baarlamaanka oo qaarkood BBC-da la hadlay ayaa ku eedeyay guddoomiye Aaden Maxamed Nuur ( Madoobe) inuu ku tumanayo sharciga isla markaana uu eedeysane u yahay iyaga.

Related posts

Webiga Shabeelle Oo Laga Cabsi Qabo In Uu Ku Fataho Baladweyne Iyo Digniin Loo Diray Dadka Degen Agagaarka Wabiga

Abdiaziz Bnnstaff

Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Somaliya Oo Kulan La Qaatay Dhalinyaro Tobabar Ciidan Ugu Maqan Dalka Dibadiisa

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxwayne Muuse Biixi Oo Amar Ku Soo Rogay Shirkadaha Laydhka Ee Magaalasa Berbera

Abdiaziz Bnnstaff