Borama News Network

Hadalka Somaliland ku saabsan ee Itoobiya ay sheegtay ee dowladda Soomaaliya ka careysiiyay

Saacadihii lasoo dhaafay waxaa si weyn loo hadal hayay qoraal lagu daabacay barta X ee horay loo oran jiray Twitter kaas oo uu soo daabacay sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Itoobiya.

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Warshadaha Itoobiya Tarekegn Bululta oo qoraal soo dhigay bartiisa X ayaa waxa uu shaaciyay in Itoobiya ay noqon doonto dalkii ugu horreeyay ee aqoonsi siiya jamhuuriyadda iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland.

“Itoobiya waxay noqon doontaa dalkii ugu horeeyay oo aqoonsi siiya Somaliland, waxaana xigaya inaan yeelano iskaashi dhaqaale iyo mid millatari,” ayuu yiri Tarekegn Bululta oo ah wasiiru-dowlaha wasaaradda warshadaha Itoobiya.

Qoraalkan oo hadal heyn badan dhaliyay ayaa waxaa isna qoraal kale ugasoo jawaabay wasiirka wasaaradda gaashaandhigga ee Soomaaliya Cabdulqaadir maxamed Nuur isaga oo si kulul u cambaareeyay hadalka kasoo yeeray wasiir Bululta.
Wasiir Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa qoraalkaas uu soo dhigay bartiisa Facebook ku yiri, “Fariimaha marin habaabinta ah ee baraha Bulshada la soo marinaayo loona soo dhiibey Wasiirada Ethiopia waa riyo maalmeed. Ethiopia way ogtahay taako dhul Soomaaliyeed ka mid ah ineysan qaadan karin, qof soo jeeda oo riyooda waa la arki jirey, natiijada riyooyinka noocaas ahna waa la yaqaanaa halka ay ku dhamaadaan”.!
Balse saacado kooban kadib waxaa hawada ka baxay qoraalkii uu soo dhigay wasiiru-dowlaha wasaaradda warshadaha ee Itoobiya kaas oo u muuqday in gebi ahaanba la tir-tiray.

Dad badan ayaa u fasiray in Itoobiya ay gaabsaneyso ka hadalka arrintan halka kuwa kalana ay u fasireen in sababo farsamo awgood qoraalka looga saaray barta X ama Tiwtter.

Maxamed Mukhtaar oo ah wasiirkii hore ee batroolka Soomaaliya ahna falanqeeye ka faallooda siyaasadda geeska gaar ahaan Soomaaliya ayaa ku tilmaamay arrinkan mid aan wax badan kasoo cusbooneysiineyn halkii ay kala taagnaayeen Soomaaliya iyo Itoobiya.
“Wasiiru-dowlaha warshada ee Itoobiya waxa uu ka hadlayay heshiiskii ay la gaartay Somaliland in uu sax yahay, taas ayuu ka hadlayay maadaama Itoobiya arrin ay muddo dheer dooneysay, hadalkiisa waxa uu daba socday heshiiskaas ee ilama aha in uu wax cusub ka hadlay”.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri, “in qoraalka laga saaro barta X ee wasiirku uu kusoo qoray waxa ay u muuqataa in looga saaray qaab farsamo, uma maleynayo in go’aankii Itoobiya uu wax iska bedelay inta aan ognahayna kama aysan laaban laakiin waxaa jiri kara sababo kale”, ayuu sii raaciyay.

Waxa uu sheegay in aysan jirin wax saan-saan ah oo haba yaraatee muujineysa in ay degtay xiisaddii u dhaxaysay Itoobiya iyo Soomaaliya isaga oo sheegay in Itoobiya aysan heshiis la geli karin ilaa ay aqoonsato taasina ay weli ku howlantahay.

“Somaliland waxa aminsantahay in aqoonsigu uu u horreeyo markaa kadibna ay heshiis la geli karto dowladda Itoobiya, halka Itoobiyana ay leedahay marka dhulka nala siiyo ayaan aqoonsaneynaa, taas ayaa muuqata laakiin weli ma cada oo guddi farsamo ayaa loo saaray”, ayuu sii raaciyay wasiir Maxamed Mukhtaar.
Bilowgii sanadkan Itoobiya ayaa qaadday tallaabooyinkii ugu horreeyay ee sharci kuwaasoo waddada u xaaraya in maalin uun dalka bad la’aanta ah ay u suurto gasho inuu isticmaalo dhul badeed kiro ah, sida ay sheegtay dowladda Itoobiya.

Waxay waxa loo yaqaanno heshiis is af-garad ah (MoU) la saxiixatay Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday Madaxbannaanida ee Somaliland si ay u isticmaasho mid ka mid ah dekadaheeda.

Raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa hore adeegsiga badda ugu sheegay inay arrin muhiim ah u tahay dalkiisa.

Hadalkiisan oo uu sheegay bishii October ayaa Geeska Afrika ka dhaliyay xiisad.

Si rasmi ah looma shaacin qodobbada heshiiska ay wada saxiixdeen madaxda Itoobiya iyo Somaliland, taasoo ah dhibaato jirta maaddaama ay ku kala duwan yihiin waxyaabaha ay tilmaameen in ay ku heshiiyeen labada dhinac.

Kadib heshiiskaasi Soomaaliya ayaa muujisay caro weyn iyada oo heshiiska Itoobiya ay la gashay Somaliland ku sheegtay xad gudub cad iyo in lasoo fara geliyay madax bannaanideeda dhuleed.

Related posts

Madaxweynaha Ukraine oo NATO ka codsaday in laga garabsiiyo dagaalka ka dhanka ah Ruushka

Abdiaziz Bnnstaff

Inaaderkay Xassan Gaafaadhi Waxaan Ku Idhi Xaragada Imaatinka Boqor Buurmadaw Qaata Ama Xanuunkeeda. Maxamuud Xaashi

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxda sare ee Dowladda Federaalka oo booqday qaar kamid ah Dadkii ku dhaawacmay weerarkii Hotel SYL

Abdiaziz Bnnstaff