Borama News Network

Hakad ku yimi gargaarkii bini’aadanimo ee la geyn jiray marinka Qaza

Gargaarka bini’aadanimo ee ay ahayd in la geeyo marinka Qaza ayaa sii yaraanaya, ka dib markii la xidhay, labadii goobood ee ugu waaweynaa ee gargaarku ka geli jiray Qaza, kuwaas oo ku yaallay agagaarka magaalada Rafax.

Goobahan ayaa weli xidhan, waxaana ururada samafalku ay dedaal ugu jiraan, sidii ay u qaybin lahaayeen, gargaarka bini’aadanimo ee aadka u yar ee yaalla gudaha Qaza, iyaga oo isku deyaya inay gaadhsiiyaan, boqolaal kun oo qof oo barakacayaal Falastiiniyiin ah.

Ku xigeenka afhayeenka Qaramada Midoobay, Farxan Haq, ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay Isniintii ku sheegay, inuu hakad ku yimi, gargaarkii bini’aadanimo ee laga qaybin jiray marinka Qaza.

Wuxuu sheegay, inay weli xidhan yihiin, marinadii muhiimka ahaa ee la marsiin jiray gargaarka loo wado gudaha Qaza, wuxuu intaas ku daray, inaanay weli jirin marino ammaan ah oo la mariyo sahayda loo wado gudaha Qaza.

Farxan Haq ayaa sheegay in la dilay mid ka mid ah shaqaalaha Qaramada Midoobay ee qaabilsan dhinaca ammaanka, halka mid kalena la dhaawacay, xilli gaadhigoodu uu ku xannibmay waddada isaga oo u socda cusbitaalka Midawga Yurub ee ku yaalla Rafax.

Related posts

“Maqaamkani waxuu jiraa in badan 80 sano, aabahey ayaan ka dhaxlay ” Cabdiraxmaan Sheekh Dandaawi.

Abdiaziz Bnnstaff

Shir looga hadlayo taageerada dhaqaale ee Howlgalka AUSSOM oo ka socda dalka Uganda

Abdiaziz Bnnstaff

Dalka Sweden Oo Kumanaan Doollar Siinaya Dadka Dalalkooda Dib Ugu Laabanaya

Abdiaziz Bnnstaff