Borama News Network

Hal sabab oo la sheegay inaysan u dhiman Homboboradii ku soo caariday xeebaha magaalada Boosaaso

Mowjadaha badda ayaa xeebta ku soo tufay in ka badan 100 xabo oo ah xayawaanka nooca loo yaqaanno Hombobarada oo ka mida noolaha ku nool badda, deegaan u dhaxeeya magaalo xeebeedka Boosaaso iyo Mareero ee gobolka Bari ee maamulka Puntland.

Dadka deegaanka ayaa arkay tirada intaa le’eg ee xayawaanka Hombobarada ah oo xeebta yaalla kuwaas oo qaar ay dhinteen halka qaarna ay noolyihiin, waxayna tiro an la cayimin ay ku guulleysteen inay dib badda ugu celiyeen iyagoo nool sida uu BBC-da u sheegay wasiirka Kalluumaysiga iyo khayraadka baddda Puntland Cabdirisaaq Cabdillaahi Xagaa.

Wasiirku wuxuu intaa ku daray inay markii ay heleen warka ay deegaanka u direen khuburo yaqaan cilmiga badda si ay u soo eegaan xaalladda.

“Dowladdu waxay qaaday si loo baaro sababtaa inaan meeshii gayno rag cilmiga badda yaqaanna iyo kuwa Scientist ah oo ka socday jaamacadaha iyo machadka cilmiga baddda ee Puntland, waxaana ka soo qaadnay muunado, dheecaan iyo cad ah, si laabka loogu baaro sababta iyo haddii cuduro ku dheceen iyo waxa ku siyaado noqday tirada intaa le’ey ayaa ah wax la yaab leh”ayuu yiri wasiir Xaga.

Related posts

Siyaasi Cabdiqaadir Jirde Oo Si Adag Ugu Jawaabay Madaxwayne Muuse Biixi Fariimo Culusna Diray

Abdiaziz Bnnstaff

Faahfaahino Ka Soo Baxaya Weerar Hoobiyayaal Ah Oo Maanta Lagu Qaaday Suuqa Bakaaraha Ee Magaalada Muqdisho

Abdiaziz Bnnstaff

Waan Ka Xumahay In Habar Awal Midhiyaha Isku Weeraraan,Suldaan Xasana”Siyaasi Obsiiye Oo Hadlay

Abdiaziz Bnnstaff