Borama News Network

Halkee ayay marayaan wada-hadallada Ruushka iyo Ukraine?

In ka badan saddex sano oo uu socday dagaalkii ugu dhimashada badnaa ee Yurub tan iyo 1945, waxaa jirtay tallaabo yar oo loo qaaday diblomaasiyadda maalintii shalay ee Jimcihii.

Wufuud ka kala socota Ukraine iyo Ruushka ayaa si fool ka fool ah isugu yimid wada-hadallo markii ugu horreysay tan iyo bishii Maarso 2022 – hal bil ka dib markii Moscow ay weerarro baaxad leh ku qaadday deriskeeda. Goobtu waxay ahayd qasri xilligii Cusmaaniyiinta oo ku yaal xeebta Bosphorus ee Istanbul.

Cadaadiska iyo dhiirri-gelinta Turkiga iyo Maraykanka ayaa gacan ka geystay in dhinacyada isku haya halkaas ay tagaan.

Ma jirin wax is-gacan-qaad ah, kala bar ergada Yukreeniyaanka waxay soo xirteen dhark millatariga – taas oo xasuusin u ah in qarankooda la soo weeraray.

Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan, ayaa wufuudda u sheegay in laba waddo ay hor yaallaan – waddo nabad horseedda, midda kalena horseedda dhimasho iyo burbur hor leh.

Wadahadallada oo qaatay wax ka yar laba saacadood ayaa waxaa durba soo shaac baxay kala qeybsanaan xooggan. Kremlin-ka ayaa sameeyay “shuruudo cusub oo aan la aqbali karin”, sida uu sheegay sarkaal Ukraine ah. Taas oo ay ka mid ahayd in Kyiv ay ku adkaysato in ay ciidamadeeda kala baxdo qaybo badan oo ka mid ah dhulkeeda, ayuu yiri, taas oo ay ku beddeshay xabbad joojin.

In kasta oo aysan jirin wax horumar ah oo laga gaaray arrinta muhiimka ah ee xabbad joojinta – sidii la filayey – waxaa jira war ah hal natiijo oo la taaban karo.

Dhinac walba wuxuu dhinaca kale u celinayaa 1,000 maxaabiis dagaal ah.

“Tani waxay ahayd dhammaadka aadka u wanaagsan ee maalin aad u adag,” ayuu yiri wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Ukraine Serhiy Kyslytsya, iyo “war macquul ah oo loogu talagalay 1,000 qoys oo Yukreeniyaan ah.”

Isweydaarsiga ayaa dhici doona dhawaan, ayuu yiri wasiirka difaaca ee Ukraine Rustem Umerov, oo hogaaminayay wafdiga dalkiisa. “Waan ognahay taariikhda,” ayuu yidhi, “wali ma shaacineyno.”

Wuxuu yiri “tallaabada xigta” waa inay noqotaa kulan dhexmara Zelensky iyo Putin.

Related posts

Maamulka Gobolka Togdheer Oo War Cusub Ka Sheegay In Gurigii Lagaga Dhawaaqay Jirtaanka Somaliland

Abdiaziz Bnnstaff

TACSI: Inalillahi wa inaa ilayhi rajicuun Allah ha u naxariisto cabdirahman aden mahamoud

Mustafe haji

Qoys Ay Shan Caruur Ah Kaga Dhinteen Hooyibe Ku Soo Dhacay Gurigii Ay Deganaayeen Iyo Faahfaahino Ka Soo Baxaya

Abdiaziz Bnnstaff