Borama News Network

Hanjabaado bambaano oo loo diray xubnaha golaha wasiirrada ee uu Trump magacaabay

Dhawr ka mid ah xubnaha golaha wasiirada ee Donald Trump uu magacaabay iyo kuwa uu u doortay kooxdiisa Aqalka Cad ayaa lala beegsaday hanjabaado bam.

FBI-da ayaa sheegtay in ay ka warqabto “khatartaro badan oo bambaanooyin ah” iyo sidoo kale “dhacdooyin qallafsan”, kuwaas oo baaqyo been abuur ah loo sameeyay si loogu soo jiito jawaabta booliska ee guriga la beegsaday.

Hanjabaadaha ayaa loo jeediyay ugu yaraan sagaal qof oo uu Trump u doortay inay hoggaamiyaan Wasaaradaha Difaaca, Guriyeynta, Beeraha iyo Shaqada, iyo sidoo kale ninka uu u xushay safiirkiisa Mareykanka ee Qaramada Midoobay, iyo kuwo kale.

Booliiska ayaa baaraya shilalkan oo dhacay habeennadii Talaadada iyo Arbacada.

Karoline Leavitt, oo ah afhayeenka kooxda kala guurka ee Trump, ayaa sheegtay in dadka uu Trump magacaabay “ay bartilmaameedsadeen kooxo rabshado wada waxaana loo diray hanjabaado iyaga iyo dadka la noolba”.

 

Waxay tiri “ciidamada ammaanka waxay si degdeg ah u qaadeen tallaabooyin xaqiijin ah iyo badqabka dadka la magacaabay.

“Iyada oo uu madaxweyne Trump tusaale inoo yahay, falalka halista ah ee caga-jugleynta iyo rabshadaha nagama celin doonaan hadafyadeena iyo shaqadeena,” ayay tiri.

Leavitt iyo FBI-da midkoodna ma aqoonsan mid ka mid ah magacyada dadka looga shakisan yahay inay arrintan ka dambeeyeen.

Elise Stefanik oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ee New York, oo Trump uu u magacaabay safiirka Mareykanka ee Qaramada Midoobay, ayaa ahayd qofkii ugu horreeyay ee sheegay in guriga qoyskeeda lagu weeraray hanjabaad bam la xiriirta.

Xafiiskeeda ayaa sheegay in haweeneyda Congress-ka lagu wargeliyay hanjabaadda iyadoo wadata ninkeeda iyo wiilkeeda oo saddex sano jir ah oo ka yimid Washington DC kuna sii jeeday New York maalinta Thanksgiving.

Xoghayaha Difaaca ee la magacaabay Pete Hegseth ayaa markii dambe xaqiijiyay in isagana la beegsaday.

Barta bulshada ee X, wuxuu ku sheegay in sarkaal booliis ah uu ka soo muuqday gurigiisa subaxnimadii Arbacada, iyada oo toddobadiisa carruur ah ay jiifeen gudaha si ay ugu wargeliyaan inay la kulmeen “hanjabaad bam ah”.

“La ii cagajugleyn maayo. Taas marnaba ma dhaceyso,” ayuu ku qoray barta. “Madaxweyne Trump wuxuu iigu baaqay inaan u adeego shacabka – taasina waa waxa aan doonayo inaan sameeyo.”

Trump, oo ka badbaaday laba isku day dil oo la doonayay in lagu dilo intii uu ku jiray ololihiisa, ayaan ka mid ahayn dadka helay hanjaabadaha taleefoonnada been abuurka ah, sida ay ilo sharci fulinta u sheegeen warbaahinta Mareykanka.

Waxa loo diray hanjabaad dhab ah dhawaan, sida ay sheegeen saraakiisha gobolka Arizona oo xiray nin horraantii usbuucan soo dhigayay muuqaalo “maalin walba ah” kaas oo uu ugu hanjabay in uu dili doono Trump iyo qoyskiisa.

Midkoodna kuwa la beegsaday todobaadkan ma aysan ilaalin Adeegga Sirta ee Mareykanka, sida ay sheegtay warbaahintu.

Lee Zeldin, oo Trump uu u magacaabay inuu noqdo maamulaha Hay’adda Ilaalinta Deegaanka, ayaa sidoo kale xaqiijiyay in la beegsaday, isagoo sheegay in “khatarta bamka tuubooyinka” loo soo diray gurigiisa “farriin dulucdeedu tahay Falastiiniyiinta”.

“Aniga iyo qoyskaygu wakhtigaa guriga maanu joogin, waanan nabad qabnaa,” ayuu yiri. “Waan uga mahadcelineynaa tallaabooyinka degdega ah ee ay qaadeen saraakiisha maxalliga ah.”

Brooke Rollins, oo uu Trump u doortay hoggaanka Waaxda Beeraha, ayaa barta X soo dhigtay qoraal si ay ugu mahadceliso booliiska Fort Worth, Texas, “dadaalkooda degdega ah” ee ay ku baarayaan khatarta qoyskeeda ku soo wajahan ee subaxnimadii Arbacada.

“Ma dhaawacmin oo si degdeg ah ayaan guriga ugu laabannay,” ayay qortay.

Scott Turner, oo Trump u doortay Waaxda Guriyeynta, iyo Lori Chavez-Deremer, oo uu u doortay Xoghayaha Shaqada, ayaa sidoo kale soo dhigay baraha bulshada in la beegsaday. Mid waliba wuxuu wacad ku maray in aysan ka waaban doonin hanjabaadaha loo jeedinayo.

Madaxweyne Joe Biden ayaa lagu wargeliyay dhacdooyinka, Aqalka Cad ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay.

  1. “Aqalka Cad wuxuu la xiriiraa sharci fulinta federaalka iyo kooxda Madaxweynaha la doortay, wuxuuna sii wadaa inuu si dhow ula socdo xaaladda.”

Related posts

Madaxweynaha Imaaraatka oo Isbitaal ku booqday sarkaal ku dhaawacmay toogasho ka dhacday Muqdisho

Abdiaziz Bnnstaff

“Waxaan Samaynaynaa Dabagal Iyo Diiwangalinta Cid Kasta Oo Ku Xadgudubta Sharciga” Musharax Cirro

Abdiaziz Bnnstaff

Dawo Muuqaal Dhaystiran Xaflada Xilwareejinta Maamulka Degmada

Mustafe haji