Borama News Network

Hay’adda Amnesty “Israa’iil waxa ay Gaza ka gaysatay Xasuuq daran”

Hay’adda u doodda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International ayaa sheegtay in Ciidanka Israa’iil ay Xasuuq ka dhan ah Bani aadamnimada ka dhan ah ka gaysteen Magaalada Gaza sida ku xusan diiwaanka ay kaydka geliyeen.

Amnesty International ayaa sheegtay in Maxkamad laga tiigsan doonno Madaxda iyo Saraakiisha Israa’iil ee ka dambeysa xasuuqaan, waxa ay ka digteen sii socoshada dhibaatooyinka ka dhanka ah Shacabka Falastiin.

Xoghayaha guud ee Amnesty International Haweeneyda lagu magacaabo Agnes Callamard ayaa sheegtay in diiwaanka xasuuqa caalamiga ah ee dhacay kuna jira kaydka Qaramada Midoobay in la geliyo kiiskaan sida ay hadalka u dhigtay.

Anges ayaa tilmaamtay in xitaa xubno katirsan Howlwadeennada Caafimaadka iyo wakiillo ka kala socda Hay’adaha gargaarka & kuwa Xuquuqda Aadanaha ka shaqeeya ay dileen Ciidanka Israa’iil, dhaawaceen, dhibaateeyeen sidoo kalena ku xadgudbeen.

Maxkamadda Dambiyada Dagaalka ee Qaramada Midoobay loona soo gaabiyo ICC ayaa warqad lagu soo xirayo u jartay Wasiirkii hore Gaashaandhigga Israa’iil, Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu iyo saraakiil kale.

Related posts

Turkiga Oo Duqaymo Ka Fuliyay Dalalka Suuriya Iyo Ciraaq Ka Dib Weerar Lagu Laayay Askar Turki Ah

Abdiaziz Bnnstaff

Diyaaradaha Milatariga Yuhuuda Duqaymo Culus Ka Fulinaya Qaza

Abdiaziz Bnnstaff

Soomaaliya oo ka jawaabtay waxa uu yahay marin badeedka uu sheegay Turkigu in la siinayo Itoobiya

Abdiaziz Bnnstaff