Borama News Network

Hay’adda WFP Oo Ka Digtay Khatarta Ka Dhalan Karta Macluusha Ka Jirta Suudaan.

Mas’uuliyiin katirsan Hay’adda Cunnadda Adduunka ee Qaramada Midoobay hoostagta loona soo gaabiyo WFP ayaa walaac ka muujiyay xaaladda dadka ku gaajaysan Jamhuuriyadda Suudaan ee saamaynta taban ku reebtay Colaadda Dalkaas ka jirta.

WFP ayaa sheegtay in 18 Milyan oo ruux Dad gaaraya in ay cunno la’aan haysato waxaana ugu sii daran 5 Milyan oo kamid ah Dadkaas oo xaaladdoodu tahay mid gaartay heerka macluusha sida hadalka loo dhigay.

Dhinacyada ku dagaalamaya Suudaan ee aanay ku kala awood roonaan muddada sanadka ah maadaama uu dagaalkoodu billowday bishii April 2023 ayaa loogu baaqay in ay ka fakiraan qorshe lagu dhalin karo xabbad-joojin si gargaar loo gudbiyo.

Dr Richard Brennan oo ah Agaasimaha Xaaladda Degdega ah ee Xafiiska Gobolka ee Ururka Caafimaadka Adduunka ee Mediterranean-ka ayaa sheegay in aanay lagu baraarugsanayn baaxadda musiibada bani aadamnimo ee ka jirta Suudaan.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa dhinacyada ku dagaalamaya Suudaan waxa uu dhowaan usoo jeediyay in miiska wadahadalka ku dhammeeyaan colaadda ka dhex jirta si loo badbaadiyo malaayiinta ruux ee rayidka ah ee xaaladaha kala duwan wajahaya.

Related posts

Umada Waxaad Ku Cidhiidhideen In Ay Xabada Qaataan” Suxeen Axmed Caydiid

Abdiaziz Bnnstaff

Deeg Deg:- Dowlada Somaliya Oo Si Rasmi Ah U Shaacisay In Itoobiya Laga Reebay Ciidamada Ka Hawlgali Doona Somaliya

Abdiaziz Bnnstaff

Xisbiga kulmiye oo xukuumada ku wargeliyay soo dhawaynta madaxwayne hore Muuse Biixi

Abdiaziz Bnnstaff