Borama News Network

Heshiiska Ay Wada Galeen Dowladaha Somaliya Iyo Liibiya Iyo Dhinacyada Uu Saamaynta Ku Yeelanayo Heshiiskaasi

Dowladaha Soomaaliya iyo Liibiya ayaa ayaa Isniinta kala sixiixday heshiisyo dhowr ah oo taabanaya dhinacyo kala duwan, ka dib booqasho uu todobaadkan magaalada Tripoli ku tagey madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud iyo wafti uu hoggaaminayo, sida ay qortay warbaahinta rasmiga ah ee labada dal.

Heshiisyada la kala sixiixday waxaa ka mid ahaa is-afgrad iskaashi oo dhexmaray dowladaha hoose ee magaalooyinka Muqdisho iyo Tripol, kaas oo ku qotoma dhanacyada maamulka madaniga ah iyo horumarinta magaalooyinka.

Labada dowladood ayaa sidoo kale isla gaarey is-afgarad labo geesood ah oo ku aadden dhanka socdaalka, gaar ahaan dal-ku-galka baasaboorrada shaqada iyo diblomaasiga, kaas oo shaqaalaha iyo siyaasiyiinta labada dowladood u fududeynaya in fiiso la’aan ay ku tagi karaan labada dal.

Waxay kale oo ku heshiiyeen in labada wasiir arrimo dibadeed ay yeeshaan wadatashi joogto ah oo dhanka siyaasadda ah, si ay u dardargeliyaan iskaashiga diblomaasiyadadeed ee ku qotoma danaha labada dal.

In kasta oo ay Liibiya gashay burbur dowladeed oo aad u xooggan ayaa hadana Soomaaliya waxaa ka dhexeeyey iskaashi dhaqaale iyo maalgashi, kaas oo laga xusi karo mashruucii LIBSOMA ee horumarinta beeraha. Si haddaba loo ambaqaado malgashiga Libya ee Soomaaliya, labada dowladood waxay isku raaceen in la sameeyo guddi wadajir ah oo heerkiisu sarreeyo, kaas oo dib u eega heshiisyadii labo geesoodka ahaa ee horay uga dhexeeyey.

Sida lagu qoray wakaaladda wararka rasmiga ah ee Libya (LANA), Soomaaliya iyo Libya waxay ku heshiiyeen in ay xoojiyaan iskaashiga arrimaha gobolka, gaar ahaan Geeska Afrika, iyadoo laga duulayo doorka Soomaaliya oo fadhida Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay ka ciyaari karto xasilloonida iyo amniga.

Dhinaca kale warar hoose ayaa sheegaya in wadahadalladii u dhexeeyey madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Midnimada Qaran ee Liibiya la iskula soo qaaday xaaladda maxaabiis Soomaali ah oo ku xirxiran dalka Liibiya.

Dalka Liibiya ayaa marin u noqday Soomaali badan oo tahriib dhanka dhulka ah oo dhib badan ugu hayaama Yurub, kuwaas oo inta badan gacanta u gala burcad Liibiyan ah oo madaxfurasho u qabsada dadka socotada ah.

Burcaddan oo loo yaqaan magafe ayaa dadka gacantooda gala u geysta falal arxan darro ah oo isugu jira dhac, jirdil, baad iyo mararka qaar addoonsi. Waxayna Xasan Sheekh Maxamud iyo Cabdul Xaamid Dabaiba sida la sheegay isla garteen in maxaabiista ku xiran xabsiyada dowladda Liibiya la sii daayo si dalkooda loogu celiyo.

Waxaa xusid mudan in boqollaal dhallinyaro u badan oo dalkaas lagu haystay horay dalka loogu soo celiyey, ka dib dadaal ay iska kaashadeen dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey.

Soomaaliya iyo Liibiya oo ah labo dal oo ka soo kabanaya dagaallo sokeeye islamarkaana weli la daalaa dhacay xasilloonidarro siyaasadeed ayaa u muuqda kuwo doonaya in ay isku taagsadaan, si ay xal waafi ah ugu helaan dhibatooyinka ragaadiyey.

Inkasta oo Liibiya aysan lahayn saameyntii ay ku lahayd dunida Carabta iyo Afrika ka hor dagaalkii sokeeye ee lagu afgambiyey Mucamar Al Qadaafi, haddana weli waxay ka mid tahay dalalka shidaalka dibedda u dhoofiya, waxaana jira warar sheegaya in Soomaaliya daneyneyso in ay ka faa’ideysato galaangalkeeda khayraadka shidaalka ku dhisan, xilli Muqdisho billowday in ay fasaxdo baaritaanka batroolka loo maleynayo uu Soomaaliya ku jiro.

Related posts

Xildhibaano Siidhi Afuufaya Oo Booq Xoogan Ka Dhex Dhaliyay Xarunta Baarlamaanka Somaliya

Abdiaziz Bnnstaff

Dowlada Itoobiya Oo Soo Bandhigtay Diyaarado Gagaal Oo Casri Ah Oo Ay Dhawaan Soo Iibsatay

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxwayne Somaliland Ha Ka Dhigin Sida Somaliya Oo Kale” Madaxdhaqmeedka Gobolada Awdal Iyo Salal Oo Fariin Culus Diray

Abdiaziz Bnnstaff