Borama News Network

Hirshabeelle oo ku dhawaaqday in ay qaadeyso Howlgallo ka dhan ah AS

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa sheegay in ay dardar galinayaan dagaalka ka dhanka ah ah AS ee ka socda deegaannada maamulkaasi.

Cali Guudlaawe iyo Wafdiga la socda ayaa kormeeray saldhigyada ciidanka ee deegaanka Sumadaalle oo qiyaastii 40 KM u jira degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ugu horreyn Madaxweynaha ayaa goobta kulan kula qaatay saraakiisha waxaana lagu gorfeeyay sidii loo dardar galin lahaa dagaalka AS.

“Waxaan ku kalsoonahay xeeladda iyo tababarka aad qabtaan, Hirshabeelle, waxaa ka go’an in lagu wiiqo awood walba ay halkan isugu keentay AS” ayuu yiri Cali Guudlaawe.

Maalmihii la soo dhaafay Ciidanka Dowladda ayaa waday howlgallo lagu dardar galinayo Amniga guud ee deegaannada maamulka Hirshabeelle.

Related posts

” Qaranimada Somaliland Cid Su’aal Laga Waydiin Karaa Ma Jirto ” Wasiir Cabdinasir Buuni.

Abdiaziz Bnnstaff

Xaasidnimo Iyo Xumaan Ayaa La Bilaabay Xirsina Waxay Yidhaahdeen Somaliya Ayaa Soo Damiinatay” Siyaasi Maxamuud Xaashi

Abdiaziz Bnnstaff

Farmaajo oo ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu ku tuntay Dastuurka KMG ee dalka

Abdiaziz Bnnstaff