Borama News Network

Hogaamiyaha ugu sarreeya Iiraan oo muddo kadib maanta tujinaya salaada jimcaha

Hoggaamiyaha sare ee dalka Iiraan, Ayatollah Ali Khamenei, ayaa la filayaa inuu maanta tujiyo salaada jimcaha, markii ugu horeysay muddo afar sano ah ka dib.

Markii ugu dambeysay ee uu salad tujiyo, waxay ahayd kadib markii Mareykanka uu dilay taliyihii sare ee militariga Iran, Qaasim Soleimani.

Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay, in salaadda Jimcaha ee maanta ay ka horeyso munaasabad lagu xusayo, hoggaamiyihii la dilay ee Xisbullah, Xasan Nasrallah iyo Jeneraal sare oo Iiraani ah oo lala dilay.

Texraan ayaa ku dhawaad laba boqol oo gantaallo oo kuwa jabaqda ka dheereeya ku ridday Israa’iil habeenimadii Talaadada.

Related posts

Israa’iil oo weerar dad badan ku dhinteen ka fulisay waqooyiga Qaza

Abdiaziz Bnnstaff

“Maayir Mooge Hadii uu Na Garan Waayay Anagu isaga Garan Mayno” Maayir Hore Cabdixakiin M Xuseen.

Abdiaziz Bnnstaff

Warbixin:- Dhacdooyinka Ku Xeeraan Xukunkii Dilka Ahaa Ee Lagu Riday Sayid Cali

Abdiaziz Bnnstaff