Borama News Network

Hogaamiyayaasha Dalalka Yurub Oo Sii Kordhiyay Taageerada Ay Siinayaan Dalka Ukraine

Hogaamiyeyaasha Midowga Yurub ayaa sii xoojiyay taageerada ay u muujiyeen dalka Ukraine waxayna ku heshiiyeen in la xoojiyo difaaca Midowga Yurub, kadib shir madaxeedka amniga oo ahaa mid degdeg ah.

Ka dib soo dhaweyntii Madaxweyne Zelensky ee wadahadalkooda Brussels, ayaa war qoraal ah oo loo dhan yahay oo ay soo msaareen, waxay ku sheegeen, in Ruushka iyo xulafadiisa Belarus ay labaduba yihiin halis soo wajahaysa, isla markaana xuduudka bari ee Midowga Yurubna ay si gaar ah ugu baahan yihiin difaac.

Dalalka Yurub ayaa waxay ku heshiiyeen sidii loo kordhin lahaa dhaqaalaha ku baxo milatariga, sii looga hor tag khatar ay sheegeen inay ka soo fool leedahay amaba ka imaneyso Ruushka.

Waxay sidoo kale shaki ka muujiyeen ka go’anaashiyaha Mareykanka ee ku aadan inuu xulafadiisa garab istaago kadib markii uu maamulka Trump u janjeersaday dhanka Moscow.

Shir degdeg ah oo amniga oo ay ku yeesheen magaalada Brussels, madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky, waxaa uu ugu baaqay hogaamiyeyaasha Yurub inay taageeraan tallaabooyin uu ku tilmaamay wax si buuxdo cadaalad loogu raadinayo, laguna soo afjarayo dagaalka.

Warar kale oo dheeri ah

Related posts

Somaliya Waxay Iclaamisay Dagaal Toos Ah Oo Ka Dhan Ah Somaliland” Nimcaan Caydiid

Abdiaziz Bnnstaff

Colaadii Qoomiyadaha Somalida Iyo Canfarta Ee Dalka Itoobiya Oo Xal Waara Loo Raadinayo

Abdiaziz Bnnstaff

Bulshada Degmada Boon Ee Gobolka Awdal Oo Ka Mudaharaaday Damaca Dowlada Itoobiya Ee Bada Lughaya

Abdiaziz Bnnstaff