Borama News Network

Hoggaamiyaha cusub ee Bangladesh oo durba qaaday ballamo hor leh

Dhaqaale yahanka Bengaaligaa iyo ku guulaystaha abaalmarinta Nobelka-ka waa Muhammad Yunus, ayaa ku baaqay in la dejiyo xaaladda sida oo kalena la qabto doorashooyin cusub oo dalkaasi ka dhadca, kaddib markii uu ogolaaday inuu hoggaamiyo dowladda ku meel gaadhka ah.

Yunus ayaa sheegay in kalsoonidii lagu qabay dowladda ay tahay in si deg deg ah loo soo celiyo, loona baahan yahay in la sameeyo khariidad doorasho oo cusub.

Waxaa la filayaa inuu ku soo laabto Dhaka isaga oo magaalada Paris ka iman doona Khamiista.Bangaaladheesh waxaa ka taagnaa qalalaase tan iyo markii ay is casishay ra’iisul wasaare Sheikh Hasina oo u carartay Hindiya Isniintii kadib kacdoon shcab oo maalo taagnaa.

Dhanka kale ardaydii mudaaharaadayay ayaa qaatay mas’uuliyadda kala hagida gaadiidka iyo ilaalinta xasiloonida,kadib markii askartii booliiska ee mas’uulka ka ahayd la dagaalanka dibadbaxayaasha dowladda ka soo horjeeda ay isaga carareen shaqooyinkoodii iyaga oo u baqaya ammaankooda.

Related posts

Xeerkii Muranka Doorashoohinka Dhaliyay Oo La An Sixiyaya

Abdiaziz Bnnstaff

Iran oo baroordiiq uga sameysay Tehran geeridii ku timid hogaamiyihii Xamaas Ismail Haniyeh

Abdiaziz Bnnstaff

“Xukumaddani gaadhimayso muddada ay ku xukuntay Abwaan Cabdiraxmaan Abees” Masuul Waddani ka tirsan.

Abdiaziz Bnnstaff