Borama News Network

Hoggaamiyaha Mexico oo Donald Trump u jawaabtay sheegtayna mowqifkeeda ku aaddan tahriibayaasha Trump aya ahorey u sheegay inuu joojinayo dadka dalkiisa sida tahriibka ah ku gala

Madaxweynaha Mexico Claudia Sheinbaum ayaa u muuqata mid ka hor imaanaysa aragtida madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump oo faafiyay war ku saabsan in labadoodu ay gaareen heshiis lagu joojinayo socdaalka soo galootiga ee xadka Mareykanka.

Ka dib markii taleefoon ay ku wada hadleen Arbacadii, ayaa Trump wuxuu soo dhigay barihiisa: “Waxay ogolaatay inay joojiso socdaalka Mexico, iyo soo gelitaanka Maraykanka, isla markaana la xirayo xuduudka Koonfureed.”

Sheinbaum ayaa si degdeg ah uga jawaabtay hadalkaas waxaana ay ku celisay mowqifka Mexico in aanu ahayn in la xiro xuduudaha, balse ay tahay in wax laga qabto tahriibka iyada oo la ixtiraamayo xuquuqul insaanka.

Isniintii la soo dhaafay Trump ayaa wacad ku maray in marka uu xafiiska la wareego bisha Janaayo inuu ku soo rogi doono canshuur guud oo dhan 25% Mexico iyo Canada,halka sidoo kale canshuur dhan 10% uu ku soo rogi doono dalka Shiinaha.

Related posts

“Anigoo Reer Somaliland Ah Laba Ciil Ayaan Qabaa..” Prof Axmed Ismaacil Samatar

Abdiaziz Bnnstaff

Dhici Maayo Muusee Ha Iska Madhin Dhaqaalaha….”Abwaan Daaha Gaas

Mustafe haji

Raysal Wasaare Xamse ” “Maanta Wixii Ka Danbeeyo Waxaa Na Dhaaftay Tii Gaajo Aheyd”

Abdiaziz Bnnstaff