Borama News Network

Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo oo sheegay in ciidankiisu ka awood badan yahay sidii uu ahaa sanad kahor

Isu soo bax weyn ayaa lagu qabtay xerada ciidamada SSC-Khaatumo ee deegaanka Guumays ee gobolka Sool, halkaas oo lagu xusay sanad guuradii koowaad ee ka soo wareegtay markii ciidamada Somaliland laga saaray xerada Goojacadde iyo deegaanno ka tirsan gobolka Sool.

Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali oo la hadlay boqollaal ka tirsan ciidamadiisa oo ku sugan jiidda Guumeys ayaa sheegay in ay maanta ka xoog badan yihiin sidii ay ahaayeen sanad kahor markii uu socday dagaal kii dhex maray iyaga iyo Somaliland.

“Ciidankeennu sanad kahor iyo maanta wuxuu awood badan yahay maanta, waxa uu tayo roon yahay maanta, waxa uu tiro badan yahay maanta, waxa maanta barbar taagan ummadda Soomaaliyeed ee midnimada jecel dhammaantood, waxaynu difaacayno waa dalkeenna iyo dadkeenna inaan dhibaato dambe loo geysan iyo midnimada iyo wadajir ka qaranka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo.

Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali ayaa u mahad celiyay cid kasta oo ku gacan siisay sanad kahor dagaal kii ay la galeen Somaliland, isagoo sheegay in aan marnaba laga tanaasuli doonin qadiyaddii ay u dagaalameen dad kii uga dhintay dagaalka sideedda bilood socday sanad kii hore ee 2023.

Related posts

Macalinkii Lagu Dhex Dilay Iskuulka Oo Maanta Lagu Aasay Duleedka Magaalada Muqdisho

Abdiaziz Bnnstaff

Soomaalidu Ma Marka Cudurku Soo Rito Ee Ay Dhan U Dhacaan Ayuun Bay Is Baadhaan ?

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxwayne Muuse Biixi Oo Cafis U Fidiyay Maxaabiis Ku Xidhan Xabsiyada Somaliland

Abdiaziz Bnnstaff