Borama News Network

Hoggaamiye Sare Ismaacil Haniya oo La dilay iyo fah faahin ka soo baxaysa

Hoggaamiyihii siyaasadda ee Xamaas, Ismaaciil Haniya ayaa lagu dilay caasimadda Iran ee Tehran, sida ay Xamaas ku sheegtay warsaxaafadeed rasmi ah.

Xamaas ayaa sheegtay in Haniyeh lagu dilay weerar ka dhacay dhismaha uu ka degganaa Tehran.

Ilaalada Kacaanka Iran ayaa xaqiijiyay in Haniyeh lala dilay mid ka mid ah ilaaladiisa, sida ay ku warrantay warbaahinta dawladda Iran.

Haniyeh ayaa shalay la kulmay hoggaamiyaha sare ee Iran, Ali Khamenei iyo madaxweynaha Masoud Pezeshkian,halkaa oo uu uga qeybgalay caleema-saarka Pezeshkian.

Related posts

Iran oo baroordiiq uga sameysay Tehran geeridii ku timid hogaamiyihii Xamaas Ismail Haniyeh

Abdiaziz Bnnstaff

Tirada dadka ku dhimanaya Suudaan oo korortay

Abdiaziz Bnnstaff

Dowlada Somaliya Ku Dhawaaqday In Ay Iska Difaaci Doonto Itoobiya Hadii Ay Ku Adkaysato Fulinta Heshiiskii Ay La Gashay Somaliland

Abdiaziz Bnnstaff