Borama News Network

Hoggaamiyeyaasha Afrika oo baaq kasoo saaray shirka Kampala ee ammaanka Soomaaliya

Hoggaamiyeyaasha Afrika oo Jimcihii shir ku yeeshay dalka Uganda ayaa ku baaqay in ciidamo dheeraad ah oo nabad ilaalin ah loo diro Soomaaliya si ay isaga difaacaan weerarrada al-Shabaab.

Shir madaxeedkaasi ay yeesheen madaxda dalalka Adrika ee ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya ee ka dhacay magaalada Entebbe waxa kasoo qeybgalay madax ka kala socotay dadalka Uganda, Kenya, Jabuuti, Masar, iyo Itoobiya, oo ay weheliyaan wakiillo ka socda ururro caalami ah oo ay ka mid yihiin Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, IGAD, Midowga Yurub, Ingiriiska iyo Mareykanka.

Hadal qoraal ah oo ka soo baxay shir-madaxeedkaasi ayaa lagu sheegay in laga yaabo in ciidamo dheeraad ah ay ka yimaadaan Masar.

In ka badan 10,000 oo askari oo ka socda Midowga Afrika ayaa hadda ku sugan Soomaaliya, kuwaas oo ku dhawaad kala bar ay ka socdaan dalka Uganda. Ciidamada Midowga Afrika ayaa waxa ay ogolassho ka haystaan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyadoo noocyo kala duwan oo howlgalka nabad ilaalinta ah la geeyay halkaas tan iyo sanadkii 2007dii.
Hawlgalkii ugu dambeeyay, oo la wareegay howsha horaantii sanadkan, loona yaqaan Howlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya, ayaa wajahaya caqabado dhanka dhaqaalaha ah iyo khilaafaad goboleed oo ku saabsan dalalka loo ogolyahay in ay ciidamo geeyaan.

Madaxweyne Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galay shirkaasi ayaa Khudbad uu ka jeediyay shirka ku sheegay in horumar ballaaran ay gaareen ciidamada ammaanka Soomaaliya taas oo uu madaxweynuhu sheegay in ay ka sameeyeen la dagaallanka argagixisada, isagoo dhanka kale carrabka ku adkeeyay baahida joogtada ah ee loo qabo taageero caalami ah.
Madaxweyne Xasan ayaa si gaar ah carrabka ugu adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la sii wado kaalmada lagu dhisayo tayada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed si ay ugu dambeyntii ula wareegaan buu yiri mas’uuliyadda buuxda ee amniga Qaranka.

Madaxweynaha ayaa sheegay guulo dhowr ah oo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya dhawaan ku tallaabsatay, oo ay ka mid yihiin ka mid noqoqoshada Soomaliya ee ururka suuqa dhaqaalaha ee dalalka Bariga Afrika, doorashadii Soomaaliya loo doortay xubinmadaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, qaadista cunaqabateynta hubka, dib u habeynta dhaqaalaha, iyo hirgelinta diiwaangelinta tooska ah ee cod bixiyayaasha.

Ka qeybgalayaasha shir madaxeedka ayaa gaaray heshiisyo dhowr ah oo muhiim ah oo looga gol leeyahay in lagu xoojiyo qaab dhismeedka amniga Soomaaliya kuwaas oo ay ka mid yiihiin ballanqaadyo lagu dardargelinayo taageerada tababarrada iyo qalabaynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kor u qaadista taageerada hawada iyo awoodda sirdoonka ee hawlgallada ka hortagga argagixisada, iyo hirgelinta istaraatiijiyadda dhaqaale uruurinta ee AUSSOM.

Hogaamiyayaasha ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay wadashaqeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowladaha xubnaha ka ah si loo xaqiijiyo xasiloonida dhulalka cusub ee laga xoreeyay al-Shabaab.

Madaxweyne Xasan ayaa uga mahadceliyey dowladaha kasoo qeyb galay shirka taageerada joogtada ah ee ay siinayaan dadaallada nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya, waxa uu madaxddii shirka ka qeybgasahay u xaqiijiyey sida ay Soomaaliya uga go’an tahay dhamaystirka horumarinta ciidan qaran oo xirfad leh oo awood u leh inay sugaan amniga dalka oo dhan.

Shir-madaxeedka ayaa ku soo dhammaaday isfaham guud oo ay wada qaateen dhammaan ka qaybgalayaasha ,muhimadda ay leedahay iskaashiga caalamiga ah ee joogtada ah si loo adkeeyo guulaha amni ee Soomaaliya iyo in la taageero dadaallada xasilinta ee socda.
Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa ku dhiirigeliyay Soomaaliya inay qorato mutadawiciin ka mid ah muwaadiniinteeda doonaya inay la dagaalamaan Al-Shabaab.

“Ciidan tiro yar oo Soomaali ah, marka loo eego tirada, iyo ciidan yar (AU) oo ka socda saaxiibada waa halis aad u khatar badan oo sababtay xaaladaha amni darro ee daba dheeraaday” ayuu yiri Museveni.

Al-Shabaab ayaa in ka badan 15 sano dagaal kula jirtay Dowladda Soomaaliya ee uu caalamku taageero. In kastoo ay ciidamaddu dowladdu ay dagaal kula jiraan al-Shabaab iyo sidoo kale duqeyme joogtada ah oo uu Mareykanka u geyesto al-Shabaab.

Related posts

Madaxwaynaha Dalka Somaliya Xasan Sheekh Oo Gaadhay Dalka Qadar Iyo Kulamo Uu La Yeelanayo Madaxda Dalkaasi

Abdiaziz Bnnstaff

MOOSHIN: Baarlamaanka Soonaaliya Oo Imaaraadka iyo ItoobiyaKa Keenay Mooshin Ka Dhab Ah

Abdiaziz Bnnstaff

“Xukumaddani gaadhimayso muddada ay ku xukuntay Abwaan Cabdiraxmaan Abees” Masuul Waddani ka tirsan.

Abdiaziz Bnnstaff