Waxay u muuqataa in duqeynta Israa’iil ay kasii socoto Qasa, iyadoo sawirrada la arkayo ay muujinayaan qiiq kasoo baxaya waqooyiga Qasa.
Goor sii horreysayna, militariga Israa’iil ayaa weriyeyaasha u sheegay in dagaalku sii socon doono inta ay Xamaas ku dheggan tahay heshiiska xabbad-joojinta welina aysan shaacin magacyada la heystayaasha ugu horreeya ee lasii deynayo.
Ciidamada IDF ayaa sheegay inay sii wadayaan howlgalkooda Marinka Qasa.
Heshiiska xabbad-joojinta ayaa lagu waday inuu dhaqan-galo saacad kahor, balse Israa’iil ayaa Xamaas ku eedeysay inay iyaga dib u dhigeen.