Borama News Network

horKoox cusub oo jihaad doon ah oo ka soo ifbaxday dal Afrikaan ah

Koox jihaad doon ah oo lagu magacaabo Maxamuuda ayaa sii wada is ballaarintooda, iyagoo u muuqda in ay sii xoogaysanayaan, waxaana argagax ay ku hayaan dadka ku nool magaalooyinka Kaiama iyo Baruten ee Ismaamulka Gobolka Kwara.

Wararka ayaa sheegaya in xubnahan ay gabaad ka dhigteen Beerta Qaranka ee harada Kainji, waxaana ay halkaasi ka wadaan weeraro ay ka geystaan magaalooyinka ku teedsan beerta iyo xitaa deegaano kale oo ka tirsan gobolka Niger.

Hadda, dadka ku nool magaalooyinka ay dhibaatadu ka dhacday ayaa u hayaamaya meelo kale si ay uga badbaadaan rabshadaha kooxda Maxamuuda.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in xubno ka tirsan kooxda Maxmuuda ay mar ka sameysteen xeryo Kaiama iyo Baruten, halkaasi oo ay ku muujiyeen in aysan wax dhibaato ah u gaysan doonin dadka.

Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in markii dambe ay kooxdu bilaabeen in ay hub la dhex mushaaxayaan deegaannada isla markaana ay xirxireen dadka tuulada, xukunna ay ku rideen, qaarkoodna ay dileen. Wuxuu sheegay in dhibaateynta shacabka ay muddaba socotay.

Related posts

Benzema oo dacwad ka gudbiyay wasiir sheegay inuu xirriir la leeyahay urur laga mamnuucay dalal dhowr ah

Abdiaziz Bnnstaff

Kooxo Hubaysan Oo Wiil Dhalinyaro Ah Ku Dilay Magaalada Gaalkacyo Iyo Faahfaahino Ka Soo Baxaya Dilkaasi

Abdiaziz Bnnstaff

Maraykanka Oo Diyaarahii Ugu Badnaa Ka Iibinaya Dowlada Turkiga Iyo Tirada Diyaaradaha La Kala Iibsanayo

Abdiaziz Bnnstaff