Borama News Network

Hormar laga sameeyay wadaxaajoodyada Xamas iyo Israa’il

Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa xaqiijiyay in “horumar laga gaaray” wada-hadallada ay martigelisay caasimadda Masar ee Qaahira, dadaalka loogu jiro in heshiis xabbad-joojin ah laga gaaro dagaalka Gaza.

Agaasimaha hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA-da William Burns, ayaa ka mid ah masuuliyiinta wada wadahadalada gar-wadeenka ka ah.

Madaxtooyada Masar ayaa Jimcihii sheegtay in Madaxweyne Abdel Fattah el-Sisi iyo dhiggiisa Maraykanka Joe Biden ay ku wada hadleen khadka taleefoonka muhiimadda ay leedahay in Israa’iil iyo Xamaas ay muujiyaan dabacsanaan ku aaddan wada xaajoodka lagu doonayo in xabbad-joojin lagu dhaqangaliyo Gaza laguna sii daayo la haystayaasha.

Illo ka tirsan Masaarida ayaa u sheegay Wakaalada Wararka France-Presse in wareega wada xaajoodyada “balaaran” ay bilaaban doono maalinta Axada ah oo ay ka qeyb galayaan mas’uuliyiinta Masar iyo Qatar.

Related posts

Mashruuc Ay Ku Baxday Lacag Dhan 500 Oo Kun Oo Dolar Ayaa Lagu Waareejinayaa Qof Shacib Ah” Wasiir Koore

Abdiaziz Bnnstaff

Dagaalka u Dhaxeeya Beelaha Kasoo Kala Jeeda Puntland Iyo Galmudug Oo Sii Xoogeysanaya

Abdiaziz Bnnstaff

Somaliya Waxay Iclaamisay Dagaal Toos Ah Oo Ka Dhan Ah Somaliland” Nimcaan Caydiid

Abdiaziz Bnnstaff