Borama News Network

IGAD Oo Ku Baaqday In Laga Shaqeeyo Dhammeystirka Soo Dirista ciidanka Masar Ee Soomaaliya

Ururka IGAD ayaa ku baaqay in si dhaqso leh loo dhammeystiro hannaanka ay dajiyeen Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay si ay Soomaaliya u yimaadaan ciidamada Masar ee qeybta ka noqonaya howlgalka cusub ee AUSSOM.

War-saxaafadeed ay soo saareen kadib shir ka dhacay Kampala, Uganda, ayay IGAD ku sheegtay in ay ciidamada Masar ka qeyb qaadan karaan xoojinta nabadda iyo amniga Soomaaliya, iyaga oo xusay baahida loo qabo in laga jawaabo xaaladaha taagan ee amni.

Sidoo kale, Bayaanka ayaa lagu xusay in loo baahan yahay dardar galinta Howlgalka ka dhanka ah AS ee ka socda dalka si looga hortago khatartooda gudaha iyo gobolka.

Shirkan ayaa sidoo kale looga hadlay taageerada howlgalka AUSSOM iyo dadaallada la xiriira sugidda ammaanka doorashooyinka iyo dhismaha hay’adaha Soomaaliya.

Related posts

Somalidu Ma Ku Jirtaa Dadka Uu Soo Masaafurinayo Trump Marka Uu Xilka La Wareego

Abdiaziz Bnnstaff

ERDOGAN: oo helay 40 sanno himilo ay baadigoobaysay Turkiga, Guul weyn & Hub ka dhigista PKK

Abdiaziz Bnnstaff

Markii Ay Somaliland Ay Dowlad Noqotay 26kii June Wax Somaliyeed Oo Dowlad Ahaa Kama Jirin Geeska Africa”Prof Samatar

Abdiaziz Bnnstaff