Borama News Network

Iiraan iyo Ururka Iskaashiga Islaamka oo war cusub ka soo saaray dilkii Ismaaciil Haniyeh

Ku simaha wasiirka arrimaha dibadda ee Iiraan ayaa sheegay in dalkiisa uu ka falcelin doono dilkii hoggaamiyihii Xamaas Ismaaciil Haniyeh “xilliga saxda ah” iyo habka “ku habboon”, kadib maalin xaalad diblomaasiyadeed oo adag ay ka jirtay Bariga Dhexe.

Hadalkiisa ayuu ka sheegay shir degdeg ah oo Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), ay yeesheen kaasoo ka dhacay Sacuudi Carabiya waxaana looga wada hadlayay ka jawaabidda Iiraan ee dilkaas.

Mareykanka ayaa sheegay inuu rajeynayo in xubnaha OIC ay ka baaqsadaan inay Iiraan ku guubaabiyaan in “ay qaaddo tallaabooyin kasii daraya dagaalka”.

Xiisadda Bariga Dhexe ayaa cirka isku shareertay tan iyo markii Haniyeh lagu dilay Tehraan toddobaadkii lasoo dhaafay. Iiraan iyo xulafadeeda ayaa ku eedeeyay Israa’iil, inkastoo Israa’iil aysan weli ka hadlin. T
OIC ayaa shalay lagu qabtay magaalada Jeddah ee Sacuudi Carabiya, iyadoo ay dalbadeen saraakiisha Iiraan iyo Falastiin.

Ku simaha wasiirka arrimaha dibadda ee Iiraan Baqeri Ali Bagheri Kani ayaa xubnaha ururka u sheegay “in laga filayo” inay taageeraan falcelinta Iiraan ee dilka.

“Ficilka Iiraan keliya maaha difaacidda dhulkeeda iyo amniga qaranka balse sidoo kale waa difaaca xasiloonida iyo ammaanka gobolka oo dhan,” ayuu yiri.

War ay markii dambe soo saareen OIC ayaa lagu sheegay in ururka ay Israa’iil saarayaan “mas’uuliyad buuxda” ee “weerarkii ba’naa”, oo ay ku sheegeen “farogelin xooggan” oo madax-bannaanida Iiraan ah.

Balse way ka gaabsadeen ka hadalka tallaabo militari oo ay Iiraan qaaddo.

Bishii April, Iiraan ayaa in ka badan 300 oo gantaal iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku weerartay Israa’iil – kuwaasoo ku dhowaad dhammaantood lasoo riday – iyadoo uga aargoosaneysay weerarka xeradeeda ee Suuriya. Dad badan ayaa ka cabsi qaba in aargoosiga Iiraan uu la mid noqon karo kaas.

Guddoomiyaha OIC Mamadou Tangara ayaa sheegay in dilka Haniyeh uu sababi karo “dagaal ballaaran oo saameyn kara gobolka oo dhan”.

Sacuudiga ayaa markii ugu horreysay ka hadlay dilka shalay oo Arbaco ahayd, iyadoo ku xigeenka wasiirka arrimaha dibadda Waleed Al-Khuraiji uu ku tilmaamay “carqaladeyn qaawan” oo lagu sameeyay madax-bannaanida Iiraan.
Afhayeenka waaxda arrimaha gudaha Mareykanka Matthew Miller ayaa sheegay in Mareykanku uu rajeynayo “in dhammaan dhinacyada xiriirka la leh Iiraan ay ku qanciyaan Iiraan, isla sida aan dowladda Israa’iil ugu qancinnay, inaysan qaadin tallaabooyin sii carqaladeyn kara dagaalka”.

Miller ayaa sheegay in Mareykanka uu xiriir la sameynayay xubnaha OIC uuna rumeysan yahay inuu jiro faham ah in kasii daridda xaaladda ay keliya sii dhabqin karto dhibaatooyinka uu gobolka wajahayo.

Dadaallada diblomaasiyadeed ayaa socday tan iyo billowgii toddobaadka, iyadoo madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu Talaadadii qadka telefoonka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Jordan, Qadar iyo Masar.

“Qofna maaha inuu sii carqaladeeyo dagaalka. Waxaan xulafada iyo saaxiibbada la lahayn diblomaasiyad adag, innagoo farriintaas toos ugu gudbineynay Israa’iil,” ayuu Talaadadii yiri xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Anthony Blinken.

Wa hadal uu shalay qadka telefoonka kula yeeshay, madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayuu madaxweynaha Iiraan Masoud Pezeshkian u sheegay in Iiraan oo xaaladda kasii darta “ay muddo dheer wax u dhimi karto xasiloonida gobolka.”

Pezeshkian ayaa Macron u sheegay in haddii Galbeedku ay doonayaan inay ka hortagaan dagaal ay “qasab tahay inay degdeg u joojiyaan hubka ay ka iibinayaan Israa’iil iyo taageerada ay u hayaan” Israa’iil, ayuu yiri xafiiskiisa.

Related posts

Xildhibaan Barkhad Batuun oo ka hadlay Maamuus Ka xayuubinta loo soo Gudbiyey Golaha Wakiillada

Abdiaziz Bnnstaff

”Jabkii 25 August Ciidanka Ku Dhacay Waxa Kaga Daran Warqadan Ay Soo Saareen Jabkeeda” Xisbiga Wadani

Wasiirkii Hore Amniga Jubaland Cabdirashiid Janan Oo La Raq Iyo Ruuxba Lagu La’aa Oo La Sheegay In Uu Geeriyooday

Abdiaziz Bnnstaff