Borama News Network

Iiraan Oo Diyaaradaha Aan Duuliyaha Lahayn u Adeegsaneysa Haweenka Aan Dhaqanka Islaamka u Hoggaansamin

Iiraan ayaa adeegsaneysa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo teknoljiyad casri ah si ay wax uga qabato kuwa aan amarka raacin, gaar ahaan haweenka diida inay u hoggaansamaan shuruucda adag ee Islaamiga ah ee jamhuuriyadda, sida ay sheegtay QM.

Baarayaasha ayaa sheegay in saraakiisha ammaanka ee Iiraan ay adeegsadaan istaraatiijiyad u kuur-gelid ah oo lagu dhiirri-gelinayo dadka inay isticmaalaan telefoonno gaar ah si ay usoo sheegaan haweenka aan xijaabka xiran ee lagu arko gawaarida gaarka loo leeyahay dhexdooda, sida takaasida.

Warbixintan cusub ayaa sidoo kale lagu sheegay in Iiraan ay kordhisay adeegsiga diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo kaamirooyinka ammaanka si loogu kuur-galo xirashada xijaabka ee guraha Tehran iyo koofurta Iiraan.

Haweenka aan u hoggaansamin sharciga, amaba ka gadooda, ayay ciqaabtoodu adag tahay – waa xarig, garaacis, iyo xitaa kufsi loogu geysto gudaha xabsiga.

Related posts

“Madaxwaynuhu Shaqo Qaran Oo Kaliya Ayuu Dalka Ka Qabtey Car Sheega Waxa Kale….” Xildhibaan.Khadar Guun

Abdiaziz Bnnstaff

Mareykanka Ayaa Ku Hawlan Weerar Uu Ku Qaado Kooxo Gacan Saar La Leh Dalka Iiraan

Abdiaziz Bnnstaff

Ruushka oo maxkamad soo taagay afar nin oo lagu eedeeyay weerar ay dad badan ku dhinteen oo dalkaasi ka dhacay

Abdiaziz Bnnstaff