Iran ayaa codsatay kulan degdeg ah oo ay yeeshaan golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, kaasi oo looga hadli doono weerarada Israel.
Amir Saeed Iravani, wakiilka joogtada ah ee Iran u jooga Qaramada Midoobay, ayaa codsi qoraal ah u diray Golaha, kaasi oo uu ku codsanaayo kulanka si ay u qaadaan tillaabooyin degdeg ah.
Wakiilka wuxuu sheegay in weerarka Israel ka hor imaanaya Mabaad’ida Qaramada Midoobey, maadama khatar la galiyay dal kamid ah Dunida.
“Cawaaqibka iyo dhibaatada ka dhalata waxaa qaadan doono Israa’iil, waa in laga hortagaa wax kasta oo ka hor imaanaya nabadda iyo xasiloonida Caalamka” ayuu yiri Amiir Saciid.
Dalalka Caalamka iyo ururada ayaa cambaareeyay weerarka Israel ku qaaday gudaha Iiraan, kaasi oo lagu dilay Saraakiil sar sare iyo Seynisyahano hayay xogta Nukliyeerka dalkaasi.