Borama News Network

Ilhan Cumar “Aniga & Elon labadeenna waxa aan Maraykanka ku nahay soogalooti marka dadka loo diyaarinayo tarxiil”

Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka falcelisay qaraar dhowaan la diyaariyay oo ah in xil ka xayuubin lagu sameeyo kaddibna loo masaafuriyo Soomaaliya oo asal ahaan kasoo jeeda ayaa riyo maalmed ku tilmaamtay dadka ku fakiraya arrintaas.

Qorshahaan waxaa daaha gadaashiis ka maamulaya Maalqabaynka xilka ka haya Dowladda Maraykanka ee Elon Musk isaga oo kaashanay xubno kale oo Xeer dejiyaal ah oo kasoo jeeda Gobolka Texas kana tirsan Xisbiga Jamhuuriga.

“Aniga iyo Elon waxaan labadeennaba muhajiriin ku nahay dalkan, waxayna u eg tahay in qofkeenna uusan isku dhibin inuu barto shuruucda dhulkan. Gabi ahaanba waa xuquuqda dastuuriga ah ee dadka inay xuquuq leeyihiin ayadoo aan loo eegin meeqaamkooda.” Ayay Tiri Xildhibaan Ilhaan Cumar.

Ilhaan ayaa sheegtay in aanay xaq dastuuri ah u lahayn maamulka Donald Trump in ay tarxiilaan ama qaadaan dadka sida sharciga u jooga Dalkaas, waxa ay tilmaamtay in loo baahanayo shuruudo badan oo haddii laga soo gudbo dadka la qaadi karo.

“Waxaan leenahay nidaam la maro, waxa aan leenahay talaabooyin la isku hubiyo. Waxa aan ognahay in marka dadka loo diyaarinayo tarxiil, inay tahay in ay hor tagaan xaaakimka socdaalka.” Ayay hadalkeeda sii raacisay.

Hadalkeeda ayay Ilhaan Cumar kusoo gabagabeysay “Waxaan ognahay in ay tahay in aad hesho ruqsad soo qabasho oo uu saxiixay xaakimka socdaalka ka hor inta aadan aadin in aad qof soo xirto. Dhamaantood arrimahaas waa xogta ay dadku doonayaan in ay ogaadaan, kumana noolaan karno meel la iska indhatiro isku xukunka sharciga, oo aan iska indha tirayno nidaamka la maro, oo aan abuurayno jawi cabsi leh”.

Ilhaan Cumar waxa ay sanado isku dhegen yihiin Madaxweynaha dib loo doortay ee Donald Trump, waxa uu ballaariyay furimaha Xildhibaannadaan ku sugan isaga oo markaan dhinac kasoo geliyay xubno ay isku xisbi yihiin iyo kuwo kale oo xilal u magacaabay.

Related posts

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa kulan muhiima la qaatay culimada waa weyn ee dalka

Abdiaziz Bnnstaff

Gudoomiye Faysal Cali Waraabe Oo Soo Jeediyey Saddex Qodob Oo Xal u Noqon Kara khilaafka Cusub Ee Doorashada.

Abdiaziz Bnnstaff

“Shaqaalihii Kaydka Haamaha shidaalka ayaa la dulmiyey oo dusha lagaga keenay Yugaandhiis ..Xoghaye Maxamed Sidiiq Dhamme,

Abdiaziz Bnnstaff