Borama News Network

Imaam Masaajid Oo Lagu Dilay Maraykanka Iyo Faahfaahino Ka Soo Baxaya dilkaasi

Imaamka masjid ku yaala magaalada Newark ee gobolka New Jersey ee dalka Mareykanka ayaa la toogtay subaxnimadii Arbacada, welina lgacanta laguma soo dhigin ciddi weerarkaas geysatay.

Shir jaraa’id oo ay qabteen mas’uuliyiinta gobolkaas ayaa waxay ku sheegeen, inay rumeysan yihiin in dilka Imaam Xasan Shariif uusan ahayn mid ay ka dambeeyaan kooxo argagaxiso.

Meydka Shariif ayaa laga helay banaanka masjidka Muhammad-Newark aroornimadii shalay, dhowr xabadood ayaana ku yaalay jirka marxuumka la dilay.

Waxaa looola cararay isbitaal, wuxuuna markii dambe u geeriyooday dhaawacyada culus ee soo gaaray.

“Baaritaanada ilaa haatan la sameeyay ma muujinayaan in falkaasi ahaa mid la xirriira argagaxiso’, sida uu wariyaasha u sheegay xeer Ilaaliyaha guud ee gobolka New Jersey, Matthew Platkin.

Guddoomiyaha gobolkaas, Phil Murphy, ayaa isna soo saaray bayaan uu ku dalbanayo in dadku soo bandhigaan cadeymaha ay hayaan ee la xirriira dilka Imaamka.

Waxaan doonayaa in aan u caddeeyo bulshada Muslimiinta ah iyo diimaha kaleba oo dhan in aan sameyn doonno wax walba oo aan awoodno si aan u ilaalinno dhammaan badqabka dadka, gaar ahaan kuwa ku nool aagagga goobaha cibaadada ayuu intaa raaciyay guddoomiyuhu.Abaal marin lacageed oo gaareysa 25 kun oo doolar ayaa loo balan qaaday in la siin doono qofki soo hela macluumaadka toogashada imaamka masjidka.

Related posts

Hadii Aan Shalay Madi Ahayn Maanta Waxaan Helnay Walaal Garabkeena Taagan”Wasiiru Dowladaha Amniga Somaliya

Abdiaziz Bnnstaff

Maraykanka Oo Cunaqabatayn Ku Soo Rogay Xawaalado Lacag Loo Marsiiyey Xuutiyiinta Dalka Yeman

Abdiaziz Bnnstaff

Waa kuma Afhayeenka guud ee Midowga Afrika Ee Loo Magacaabay Xilka Afhayeenimo Ee Midawga Africa?

Abdiaziz Bnnstaff