Imaaraadka Carabta ayaa maalgeliyay dilal siyaasadeysan oo ka dhacay Yemen, baaritaan ay BBC-du sameysay ayaa sidaa lagu ogaaday, taasoo oo sii xumeyneysa colaadda ay ku lug leeyihiin dowladda Yemen iyo kooxaha ka dagaalamaya Yemen oo dhawaanahan soo jiidatay indhaha caalamka ee badda cas.
Tababarro ka dhan ah argagixisada oo calooshood u shaqeystayaal Mareykan ah ay siiyeen saraakiisha Imaaraadka ee Yemen ayaa loo adeegsaday in lagu tababaro dadka gudaha ah oo ku shaqeynaya qaab hoose, taasoo dhalisay sare u kac weyn oo xagga dilalka qorsheysan ah, sida ay BBC-da Carabi u sheegeen ilo wareedyo xog ogaal ah.
BBC-da ayaa sidoo kale ogaatay in inkastoo calooshood u shaqeystayaasha Mareykanka ay sheegeen in ujeeddada ay tahay mid lagu ciribtirayo kooxaha jihaad doonka ah ee Al-Qaacida iyo dowladda Islaamiga ah (IS) ee koonfurta Yemen, haddana Imaaraadku wuxuu sii waday in ay xubno hore oo Al-Qaacida ka tirsan uu u qoro ciidamada amaanka ee Yamen si ay ula dagaallamaan dhaqdhaqaaqa fallaagada Xuutiyiinta iyo kooxaha kale ee hubeysan.
Dowladda Imaaraatka Carabta ayaa beenisay eedeymaha baaritaanka BBC-da ee ah in ay dishay dad aan xiriir la lahayn argagixisanimada iyadoo sheegtay in ay yihiin “been iyo xaq-darro”.
Dilalka ka socda Yemen ayaa ah kuwo baahsan, in ka badan 100 qof ayaa lagu dilay muddo saddex sano ah, hal nooc oo ah iska horimaadyada kulul ee joogtada ah ee u dhexeeya quwadaha caalamiga ah ah iyo dalka ugu faqiirsan bariga dhaxe.
Dilalka ayaa caqabad ku noqday soo noqoshada dawladda Yemen ee caalamku aqoonsan yahay, tani waxay si aan toos ahayn u caawisay inay dad badan u diriraan Xuutiyiinta ay Iran taageerto kuwaas oo hadda weerarro ku qaadaya maraakiibta iyo carqaladaynta ganacsiga badda cas. Washington ayaa ku dhawaaqday maalmihii la soo dhaafay in ay kooxda u aqoonsan doonto “argagixiso caalami ah”.
Waxaan ka warramayay colaadda ka taagan dalka aan ku dhashay ee Yemen tan iyo markii ay bilowdeen sannadkii 2014-kii, dagaalladaas ayaa horseeday in dowladdu ay lumiso awoodda waqooyiga oo ay gacanta ku dhigaan Xuutiyiinta kuwaas oo sannado badan noqday kuwo xoogaysanaya oo si wanaagsan u qalabaysan.
Sanadkii 2015, Mareykanka iyo UK waxay taageereen isbaheysiga inta badan dalalka Carabta ee uu hoggaamiyo Sacuudiga, iyadoo Imaaraadka uu yahay saaxiib muhiim u ahaa dagaalka Yamen ah.
Isbaheysigan ayaa duulaan ku qaaday dalka Yemen, ujeedaduna waxaa ay aheyd in dib loo soo celiyo dowladda Yemen ee dibad joogga ahayd, iyo la dagaalanka argagixisada.
Imaaraatka waxaa loo dhiibay mas’uuliyadda amniga koofurta, wuxuuna noqday xulafada muhiimka ah ee Mareykanka ee la dagaalanka argagixisada gobolka, Al-Qaacida waxay muddo dheer joogi jirtay koonfurta oo hadda ah mid Colaadda Yemen ay ku baahayso.
Sannadkii 2014-kii, falaagada loo yaqaan Xuutiyiinta oo ah Shiicada Yemen ee laga tirada badan yahay ayaa qabsaday caasimadda Sanca.
Madaxweyne Cabdul rabah Mansuur Haadi ayaa caasimad ku meel gaar ah ka dhigtay koonfurta magaalada Cadan ka dib markii uu ka baxsaday xabsi guri Sanca ku yaal bishii February 2015.
Sacuudi Carabiya iyo siddeed dal oo kale oo Carab Sunni u badan ayaa bilaabay olole cirka ah oo ka dhan ah Xuutiyiinta, kuwaas oo ay ku andacoonaya in ay kooxada soo hubaysay dowladda Iran ee gobolka ay isku hayaan.
Xulafada Sucuudigu hogaaminayo ayaa taageero dhanka saadka ka helay Maraykanka, UK iyo Faransiiska.
Waxaa jiray isku dhacyo dhex maray kooxo loo arkayey inay isku dhinac ahaayeen, bishii Agoosto 2019 dagaal ayaa ka qarxay koonfurta dalkaasi kaas oo u dhexeeya ciidamada dawladda uu Sucuudigu taageero iyo dhaqdhaqaaqa gooni u goosadka koonfurta ee isbahaysiga ah, golaha ku meel gaarka ah ee koonfurta (STC), kaas oo ku eedeeyay madaxweyne Haadi maamul xumo iyo in uu xiriir la leeyahay Islaamiyiinta.
Maleeshiyada Al-Qaacidada Jaziirada Carabta (AQAP) iyo kuwa maxaliga ah ee taabacsan kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka ayaa ka faa’iidaystay fowdada, iyagoo qabsaday dhul ku yaalla koonfurta, waxayna ka fuliyeen weerarro lagu hoobtay, gaar ahaan magaalada Cadan.
Xuutiyiintu waxay sidoo kale ballaariyeen saameyntooda goobaha ay gacanta ku hayaan, bishii Nofembar 2023 waxay bilaabeen weeraro ay ku qaadaan marinnada maraakiibta caalamiga ah ee Badda Cas.
Laakiin halkii ay tani ka abuuri lahayd xasillooni weyn, intii aan ku guda jiray socdaalada warbixinta iyo safarkii ayaan arkay mowjado dil ah oo qarsoodi ah, oo ka dhacay degaannada koonfureed ee ay dawladda Yemen ka taliso, kuwaas oo loo geystay muwaadiniin Yemeni ah oo aan xiriir la lahayn kooxaha argagixisada.
Sida uu dhigayo sharciga caalamiga ah, dil kasta oo loo geysto dadka rayidka ah iyadoon loo marin habraac cadaaladeed waxaa loo tixgalinayaa mid ka baxsan sharciga.
Inta badan dadka la dilay waxay ahaayeen xubno ka tirsan ururka Islaax garabka Yemen ee Ikhwaanul Muslimiin, Waa dhaqdhaqaaq caan ah oo Islaami ah oo Sunni ah oo caalami ah, kaas oo aan waligiis Maraykanku ku tilmaamin urur argagixiso, laakiin waxaa laga mamnuucay dhowr waddan oo Carbeed oo ay ku jiraan Imaaraadka Carabta halkaas oo dhaqdhaqaaqiisa siyaasadeed iyo taageerada doorashooyinka ay u arkaan qoyska boqortooyada ee dalkaas khatar ku wahan xukunkoooda.
Muuqaalo sir ah oo la soo bandhigay oo ku saabsan howlgalkii ugu horeeyay ee ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa i siiyay bar bilow aan ku baarayo dilalkan dahsoon.
Waxay ku taariikhaysan tahay Disembar 2015, waxaana la raadraacay xubno ka tirsan shirkad ammaan oo Maraykan ah oo gaar loo leeyahay oo lagu magacaabo Spear Operations Group.
Waxaan ugu dambeyntii la kulmay mid ka mid ah raggii ka dambeeyay howlgalka lagu soo bandhigay muuqaalka maqaayad ku taal London 2020. Isaac Gilmore, oo hore u ahaan jiray Ciidamada badda ee Mareykanka oo markii dambe noqday madaxa howlgalka Spear, ayaa ka mid ahaa dhowr qof oo Mareykan ah oo sheegay in loo shaqaaleysiiyay in ay Yemen ka fuliyaan dilal qorsheysan oo ay geysanayaan Imaaraadku.