Borama News Network

Imaaraadka oo bogaadiyay dhexdhexaadinta Turkiga ee dhinacyada Suudaan

Dalka Isutagga Imaaraatka Carabta ayaa soo dhaweeyay dhexdhexaadinta Turkiga ee loogu talagalay in lagu soo afjaro dagaalka ka socda Suudaan.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka ayaa ku sheegtay bayaan ay soo saartay inay diyaar u tahay inay la shaqeyso oo ay iska kaashadaan Turkiga si loo dhammeeyo khilaafka Suudaan, iyadoo xustay in dhexdhexaadintu ay tagaeerayso” amniga iyo xasiloonida gobolka.”

Dowladda Imaaraadka ayaa adkeeysay baahida loo qabo in la joojiyo dagaalka, in gargaar bani’aadamnimo loo gaarsiiyo dadka u baahan, iyo geeddi-socod siyaasadeed oo keeni doona dhismaha dowlad madani ah.

Turkigu ayaa horey u dhexdhexaadiyay Suudaan iyo Imaaradaka, taasoo lagu soo afjaray xiisad ka dhex taagneed labada dal, kadib markii Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan uu telefoon kula hadlay guddoomiyaha Golaha Sare ee Suudaan, Cabdilfataax al-Burhan.

Dhinaca kale, dowladda Suudaan ee uu hogaamiyo Cabdilfataax al-Burhan ayaa si cad u diidday wararka sheegaya in dalka uu wajahayo “macluul,”isagoo sheegay in xaaladda aanay ahayn mid ay abaaruhu saameeyeen sida lagu sheegay wararka.

Related posts

Iiraan iyo Ururka Iskaashiga Islaamka oo war cusub ka soo saaray dilkii Ismaaciil Haniyeh

Abdiaziz Bnnstaff

“Reer Awdalow Warka Cirro idiin sheegay waa Been,Lacagtii Dekada Lughaya Anaa Haya…..” Madaxweyne Rayaale

Abdiaziz Bnnstaff

Qaybo ka mid ah dalka Nigeria oo daadad harqiyeen iyo malaayiin qof oo ku barakacay

Abdiaziz Bnnstaff