English News

First Somali immigrant to lead Minneapolis public housing board

The Minneapolis Public Housing Authority has selected Sharmarke Issa to lead…

Black Women Rally in Defense of Rep. Ilhan Omar +VIDEO

Black Women Rally in Defense of Rep. Ilhan Omar

Dusit attack: Court to rule on whether to release financer

A magistrate court will today rule on whether a man accused of sending money…
dk gw

Australia's worst cabbie? Taxi driver, 69, is banned from the roads after asking a blind passenger for directions

A grandmother has lost her taxi accreditation after she racked up close to…

Accused Somali war criminal found driving for Uber and Lyft in American Suburbs

An alleged Somali war criminal has been working as a driver for Uber and…
k990

Shabaab official justifies attacks on civilians while preaching the sanctity of Muslim blood

Abu ‘Abdurahman Mahad Warsame, a senior Shabaab official, addresses the…
ddddg

Londoner to become first contestant to wear headscarf at Miss Universe Great Britain

A Londoner is set to become the first Miss Universe Great Britain contestant…
kkllll

Ethiopian Airlines CEO wants rigorous review of Boeing 737-MAX planes following fatal crash

Two months after Ethiopian Airlines Flight 302 crashed, killing all 157…

Muslim women accuse Amazon of ‘harassing and hostile’ work conditions

Amazon is being accused of religious discrimination and retaliation by three…
dd

Ex-Somali colonel faces civil trial in US alleging torture

ALEXANDRIA, Va. (AP) — A northern Virginia man who served decades ago as a…
Arimaha Bulshada

Arimaha Bulshada (7)

Tuesday, 21 May 2019 09:32

Horta Heego Waa Ayo? …… Mohamed Baashe

Written by
Tixdan koobani waxa ay ka mid tahay qoraallo ka warramaya Heegada
Muuse Bixii iyo cidda hormoodka ka ah xukuumadda dhexdeeda iyo dibaddeedaba.
Tixdan oo soo baxday 20.05.2019. Waxa ay qeexaysaa hab-dhaqanka Heego iyo foolxumadiisa. Waa jeedal iyo shaabuug
ku laba dhacaya oogada yo dareenka Heego iyo canbuuleysigeeda.
Tixdu uma aqoonsana Heego in ay tahay reer. Sinaba marka la eego dhaqan xumidooda, boobkooda iyo dhacooda hantida
ummadda iyo isku naasnuujintooda reerna uma aanoobo, wax se eeddu dusha ka saaran tahay madaxweynaha Somaliland
oo samaynteeda leh, isku hallayna ay ka haystaan. Waa gardarro garab og oo ku sarkhaansan awoodda la siiyey iyo
mashaariic isugu fuutinta wadaaggeeda.
Waxa kale oo u aanooba wasakhnimadaa ciddii ugu sacabba tunta ee ku taageerta ama lufluf yar oo sandareerto ah oo ay ka helaan awgii ama sababo kale oo indha-garasho caaddifadeed ay kow ka tahay.
Tixdu waxa ay si toos u karbaashaysaa hoggaanka Heego iyo abaabulayaasheeda in gudo ku sheeggan iyo dibad ku sheellan ba oo qof qof loo garanayo, dhowaanna ay suurto gal tahay in dhaayaha bulshada la soo hor dhigi doono marka loo baahdo, haddii uu Alle idmo.
Waxa ay tidhi:
Heego waa dhufays qodan
Dalqadaa gun dheerta ah
Dhaayahoodu weeyaan
Dhaadmada dareenkana
Waxa dira dhanqalankiyo
Dhuunigii calool gala.
Waxa ay dhabqinayaan
Dhaantadii la tumi jirey
Waa dhaqan gurracanoo
Waxa badan dhibkoodoo
Dheeftoodu waa cudur
Xaaraan la dhabaqsado.
Waa dhidar xabaal dedan
Ugu dhacaya meydkoo
Dhooqo soo qufaayoo
Dhaaddantii walaalnimo
Wada dhalashadeedii
Dab dhexdooda gelinoo
Isku dhidhin tolweynaha.
Dhoohantaa ku badanoo
Waa wada dharaar maal
Dhuuni-qaata-yaal iyo
Waa wada dhegweyn iyo
Dhullax iimo badan iyo
Dhurwaa maalintii ciya.
Dhiillo huursan weeyaan
Dhegxumaantu waw wehel
Garashadu dhibaatiyo
Dhaawacooda weeyaan
Isu dhiganta waayaha
Samo kuma dhabriiraan.
Inta dhoof ku maqaniyo
Inta degel ku magac dheban
Waxa loo dhammeeyaa
Mashaariic dhan qudha jira
Dhiib dhiibashadu tahay
Dhaban qaawan sararaha.
Dhalanteedka beentaa
Ugu filan dhaqaaloo
Dhawrsanaantu waw cadow
Dhaqan iyo xishood ma leh
Dhaxal duugga hadha iyo
Dhito waa ka garanuug.
Marna waa dhamiijiyo
Dhurde hayjad joogiyo
Dhuuryada hamuunta leh
Dhurruq maalinweyn kacay
Dhaylo dubato naaxdoo
Bahalnimo u dhuratoo
Nuugaysa dhiig gacal.
Ri’yahaa dhaqaaq socod
Dhaameelka loo ruxo
Orod dhabaabaceeyoo
Geesaha dhexdoodiyo
Isku riixa dhinacyada
Dhabtu waa hunguri xumo.
Qaran lagu dhillaystiyo
Dhaldhalaalka suuqaa
Uga dhigan kitaaboo
Dhulku waa in-araggood
Ma dhaafaan duleedkiyo
Dhamastay ku ababeen.
Dawladnimo dhankeedii
Sharci adag dhiskiisiyo
Dhaabadaynta xeerkiyo
Cadli dhawristiisana
Dheri saaran oogtiyo
Dhuxushay ka jecel yiin.
Weli geed dhillowyahan
Dhulka hoose kama bixin
Dheecaan yaalla kama qado
Dhir kaluu ku maran yahay
Dhalankooda yeeshaa
Dheeraad ka doonaa.
Dhaadhaanku faan badan
Irbadse dhuub ma gelin karo
Wuu hadaaq dhurmaayoo
In uu dhaarto mooyee
Hadal kama dhabayn karo
Afka dheer ma xidhi karo.
"Dheeraad nin haystoo
Aqalkiisu dhalo yahay
Nabad iyo ku dhaqankeed
Hadduu tuuryo dhaafsaday
Jiitamaa dhammaysee
Maan dhadhaabka xaabsado”.
Dhagar lama sahaayoo
Lama dhacayo nabarkee
Dhugtu waa dareen kicin
Inaan dheelli-tire jirey
Dhufayskiisa ugu galo
Ninka dheesha ku qarribey.
Dhubuq dhubuq horreetana
Dhabannahays dambaysaa
Dhuuxow yarow hareer taal
Immisaa nin dhumuc weyn
Dhukanoo is waal badan
Dhaar-jiidh badnaa jabay!
Dhacarsigu lur badanaa
Dhaaxay ayaamuhu
Waayuhu dhirbaaxeen
Dhabandaadyo mamayoo
Dhacadiid u jiifsaday
Siiyeen dhunkaal suna.
Tixdu waa dhambaal iyo
Hadal dhoomo culus sida
Maaha dhego-barjayn iyo
Dhasalaalaq bood bood
Daymo dhacan leh weeyoo
Dhahar loogu talo galay.
Runta oo la dhalanrogo
Been baa ka dhalatoo
Dheehii wacnaa baa
Dadnimada ka dhaca oo
Inaan sharafi sii dhiman
Dhawaaqeedu weeyaan!
Maxamed Baashe Xaaji Xasan, London 20.05.2019.
This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.
 
 

Once again, the weak and protected federal entity in Mogadishu has decided to open another front in it's increasingly desperate attempt to interfere in Somaliland's peace, stability and democracy. This new attempt is even more ridiculous than any previous ones, it has become known as the "Tracksuit wars".


Using the money given to them by the international community to provide service to their impoverished citizens, the weak federal entity in Mogadishu, along with a few charlatans in the Somali community, primarily in the United Kingdom, are trying to flood the country with blue sports tracksuits with the Somali emblem on the front, and logo on the back. These items are being shipped from the UK and given to children and like minded adults in time for the 28th anniversary of the 18th May.


Why, might you ask, is this being done?


The idea behind this childish manoeuvre is to try and create the image that the young people of Somaliland, who have never known anything but Somaliland are somehow showing support for the defunct union! To these folks in Mogadishu, who are so juvenile in their thinking, the idea that a few kids wearing new tracksuits in the cities, towns and villages of Somaliland will somehow convince the world, that these youngsters are supporting the union, is just laughable, and sad. These children seldom get any new clothing, and to them, the chance to wear a new tracksuit is welcome. But, that's all it is, just a new pair of tracksuits.


By their foolish logic, if a young Somalilander were to wear, say, a German, Canadian, British, French, Spanish, Danish, Ethiopian, Nigerian, Ghanian, Egyptian, Japanese, Brazilian, Algerian, Moroccan, etc, sports tracksuits, which are colourful and "cool", does that mean to suggest that they want a union with those countries?


Somaliland is a serious and mature country, unfortunately, our former partners in Mogadishu are still behaving in the childish manner that we have always known them to do. How, then does the international community expects us to talk with "fraternity boys" mentality?


Wa Bilaahi Towfiiq
Ahmed Kheyre
This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

Labadii bilood ee u dambeeyay waxa Somaliland ka dhacay dhawr dhacdo oo qaabkii ay madaxtooyadu u maamushay banaanka u soo saareen awooda iyo miisaanka siyaasadeed ee madaxtooyada.

Bilowgii bishii hore ee April waxa Somaliland gilgilay xiisad ka dhalatay markii qaar ka mid ah hay’adaha dawladda Somaliland ay qabteen kiis ka dhan ah ganacsade Axmed Cismaan Geele oo dhinaca Djibouti ka yimid, waxaanay madaxtooyada Somaliland si toos ah ganacsade Axmed Cismaan Geele ugu eedaysay inuu lacago ka soo dhacay bangiyo ku yaala Djibouti. Hase yeeshee ganacsade Axmed Cismaan Geele ayaa eeddaas iska difaacay, isagoo soo bandhigay garnaqsi, waxaana dalka Somaliland ka bilaabmay baaqyo lagu cambaaraynayo madaxtooyada Somaliland, iyadoo lagu eedeeyay inay la safatay dhinaca Djibouti. Aakhirkii waxa xiisadii qaboojiyay kulan la isku horfadhiisiyay Madaxweyne Biixi iyo Ganacsade Axmed Cismaan Geele.

Qaabkii ay madaxtooyadu uga hadashay arrinta Axmed Cismaan Geele, waxa ay dad badani u arkeen inuu dhaawac ku ahaa dawladnimada Somaliland, islamarkaana uu wiiqay kalsoonidii lagu qabay madaxtooyada.

Isla bishan April waxa ay xiisadi dhex martay dawladda iyo qoys lahaa dhul ay dawladu sheegtay in laga dhisayo madaxtooyo cusub. Dad badan ayay dawladu xidhay, waxaana xiisada sii kiciyay hadal uu saxaafada siiyay agaasimaha guud ee madaxtooyada oo ku saabsanaa qaabka loo maamulay loolana wareegay dhulkaas.

Waxa ay hadda u muuqataa in si hoose lagu dhammeeyay arrintii, lana dejiyay, waxa laakiin aan weli dhaymo loo helin dhaawacii ka dhashay isku dhaca dawladda iyo qoyskaas oo waxyeelo dhinaca sumcada ah u gaystay dawladda iyo madaxtooyada.

Dhacdadii lagu dilay labada sarkaal oo ka tirsanaa ciidamada Booliska iyo asluubta waxa uu Madaxweyne Biixi kaga jawaabay inuu xaalad deg deg ah ku soo rogo saddex degmo oo kala ah Ceerigaabo, Ceel-afweyn iyo Gar-adag, waxaanu horgeeyay labada gole baarlamaan ee guurtida iyo wakiilada oo fadhi deg deg ah la isugu yeedhay.

Laakiin si aan la filayn ayay labada gole uga horyimaadeen soo jeedinta Madaxweyne Biixi, waxaanay inta badan xildhibaanada labada gole ka soo horjeesteen in xaalad deg deg ah lagu soo rogo degmooyinkaas, waxaana taageeray xildhibaano aan ka badnayn 40 mudane, halka ay ka soo horjeesteen xildhibaano tiradoodu gaadhayso 67 xildhibaan, taas oo noqonaysa aqlabiyadii golaha fadhiday.

Waxa dad badan maalintaas u soo baxday miisaanka kalsoonida siyaasadeed ee madaxtooyada, waxa kale oo soo baxday in madaxtooyadu xaaladda deg deg ah ee ay soo rogtay oo ku soo baxday wareegto madaxweyne aan aad loo lafo-gurin.

Bishan May, waxa ay dawladda Somaliland xidhay xildhibaan Dhakool oo ka tirsan golaha wakiilada, ka dib markii uu maalinta qaranimada Somaliland ee 18 May ku tilmaamay maalin qoys.

Xadhiga xildhibaan dhakool wuxuu abuuray dood sharci, maxkamadda gobalka Hargeysa oo la horgeeyay ayaa diiday inay furto dhagaysiga dacwada, waxaanu guddoomiyaha maxkamadu ku dooday inaanu haysan awood sharci uu ku dhagaysto dacwad ka dhan ah xildhibaanka maadaama oo aan laga qaadin xasaanadii xildhibaanimo.

Guddoomiyaha golaha wakiilada ayaa isna sharci jabin ku tilmaamay jidka loo maray xadhiga xildhibaan dhakool.

Guddiga joogtada ah ee golaha wakiilada ayaa ka horyimid soo jeedin ahayd inay xasaanada ka qaadaan xildhibaan Dhakool si dacwadaha loo haysto loogu oogi karo, waxaanay eeddo u jeediyeen xukuumadda, iyagoo xadhiga xildhibaanka ku tilmaamay distoor jabin.

Si kastaba ha ahaate, amuurahan iyo qaabka loo maamulay iyo qaabka ay ku socdaan waxay muujinaysaa laba mid uun inuu isbedel ku yimid miisaankii madaxtooyada iyo weliba kalsoonidii siyaasadeed ee madaxtooyada, waxaanay dad badani walaac ka qabaan in arrimaha noocan ah oo sii socdaa ay wiiqi karaan dawladnimada Somaliland.

Wax ma yaqaan
Wax yaqaan laga dhiggaa
Wax ma yaqaanoo
Wax ma yaqaan buu ku soo baxaa
 
 
Wax ma yaqaan
Wax yaqaan laga dhigaa
Wax ma yaqaanoo
Wax loo dirtay hagaajin waa
 
Alle Ha u naxariisto e’ Abwaan: Yuusuf Aadan Xuseen (Allaale)
 
Muddo hadda laga joogo 25 sano Waxa su’aal aad muhiim u ah waydiiyay Muuse
biixi wargayska Codka Hargyasa ama Xoriyo mid kood oo ahaa wargaysyadii ugu
horeeyay ee lagu asaasay warbaahinta daabacan ee somalilnad oo la kawsaday
curashadii jamuuriyada Somaliland. Su’alshaas oo ahayd Muuse Biixi ma milatari
baa mise waa siyaasi? Muuse su’alshaa waxa uu kaga falceliyay dareen cadho iyo
handaadaad uu u handaday wariyihii su’aalsha ku ganay oon filayo inuu ahaa
Wayab, waxa uu muuse ku jawaabay su’aal kale oo ah maxaan kaga duwanahay
George Washington iyo Jamal Cabdinaasir oo labaduba milatari iyo siyaasiyiin
soo noqden? Laakiin muuse ayaa si ficil ah uga jawaabay suaalshan ruc qarni ka
diib.

Haddaba waxaan maqaalkan si gooniya diiradda ugu saari doonaa bal ka uu
noqday 25 sanno ka dib isagoo xilligaa uu Weriyuhu su’aasha waydiiyay u
laqimayay inuu yahay labadaba sidaa George Washington iyo Jamaal
Cabdi-naasir oo labada jagaba wada qabtay iyadoo uu isna ka mid yahay uun
kuwaa soo maray Adduunka ee labada darajaba isku hantiyay. Taasi waxa ay been
cad noqotay rubuc qarni ka dib oo Muuse Biixi uu Ummadda Somaliland tusay
karti daridiisa Siyaasadeed iyadoo iminka oo aan qorayo Maqaalkan Maati iyo
Carruur ka soo jeedda Qoyska reer Maxamed
Xasan Dalab uu cagta mariyay hoy ay ku lahaayeen duleedka Hargaysa oo uu inoo
laqimayo inuu ka yagleeli doono madaxtooyo cusub oo Qaranku yeesho isagoo tii

hore ee Somaliland lahayd ee uu ka dhaxlay Madaxwaynayaashii isaga ka
horeeyayba waxba ku noqon waayay oo wixii ka soo fulaan ay noqdeen Wargayso
la xidho sidii Foore oo Faallo ka qoray isla arrinkaa iyo cagajuglayn uu ku hayo
Shacabkii doortay.
 
Heesta aan ka soo dheegtay tuducyada kor ku xusan waxaa lahaa oo curiyay Alla
ha u naxariisto e
Yuusuf Aadan Xuseen (Allaale) oo ka mid ahaa Hobaladdii Caan baxay ee
Waaberi. Yuusuf waxa uu lahaa heeso badan oo tawriya kuwo Jacayl ah iyo
Ruwaayado ay ka mid ahaayeen Gar Cadaawe iyo Caashaq, Cilmi iyo Caaddo,
Bad Dhiigga iyo Beer kalgacal iyo kuwo kale iyadoo aan si gooniya u xushay
heestiisii wax ma yaqaan kaasi oo uu u tirayay nin ka mid ahaa kuwii is biday
qabiil ee qaranimaddii meel iskaga tiiriyay ee xukuumaddii Siyaad Barre oo
iskuhalayn  waxa uu doona u fali jiray kaasi oo maalin maalmaha ka mida ku soo
dhex dhacay muran ka dhex taagnaa hoballaddii Waaberi intoodii ka qayb
qaadatay filimkii laga matalay ruwaayaddii Cilmi iyo Caado.
Waxa jirtay hab loo qaybsan jiray dakhliga ka soo xarooda riwaayadaha la dhigo
habkaas oo ahaa in si siman loo qaybsado oo qof walba oo ka qayb qaatay
riwayaada ha ahaado muushishan, majaajilayste ama hesaa in la siiyo qayb la mid
ah ka kale. Habka waxa jidaysay kooxdii walaalaha hargysa.
Lakiin riwayaadii Cimli iyo Caado film ayaa laga matalay markaa yuusuf iyo
hobaladii Waabari ee la dhigay riwaayadu waxay isku qabteen habka loo
qaybsanayo. Sidii hore ayaa loo qaybsanayaa iyo mayee tani waa film dhan ee
riwaayad maaha ee loo ma qaybsanayo ayaa lagu murmay.
Abwaan Yuusuf iyo Kooxda intooddii kale oo arrinkii falanqaynaya ayaa uu nin ka
tirsanaa Ardaaga maxamed Siyaad barre ugu yimi Tiyaatarkii Xamar, isagoo ku
jeedsaday Yuusuf kuna  taliyay si aan sax ahayn taasi oo ka cadhaysiisay Yuusuf
oo talada go’aankeeda lahaa bacdamaa riwaayaddiisa laga matalay filimka oo
ninkani aanu taladeeda shaqo ku lahayn marka laga reebo madaxtaaga qabiil ee uu
awooda ku sheeganayo halkaa waxa ka dhalatay Heestaa wax ma yaqaan oo ay ku
luuqeeyeen kooxddii danan ee ururka dhalinyaradda laxankana uu ku qaabeeyay
Mulaxmiiste Macallin Xasan Giraydh. Hadaba manta oo ay muddo ka soo
wareegtay waxa la odhan karaa waa ay nooshay oo kaa iyo kuwii
Uu u tirayay Alle ha u naxariisto Yuusuf Aadan Xuseen heestaa weli waa ay
joogaan waliba waxa ay u halabsadeen si uun kursiga ugu sareeya Qaranimadda
Somaliland iyadoo aan la mahadin goor kasta iyo goob kasta kuwa noocaas ah.
 
Aan ku soo Af-meero Maqaalkii mudo 25 sanno ka dib waxa uu Muuse Biixi
Cabdi uga jawaabay si toosa su’aashaa Codka Hargaysa ama Xorriyo midkood
waydiiyeen ka uu yahay siyaasi ama milatari. Mudo ka yar laba sanno waxa

cadaatay inuu ku jahawareeray kursigii madaxwaynenimadda Somaliland oo aanuu
lahay hal wiqiyad karti siyaasadeed oo uu ku maarayo hawlihii kula soo darsay oo
ay ka anfariireen Shacabka Somaliland taaso oo cadayn u ah ka aad tahay. Waxaan
ku leenahy waxaad tahay Milatari macangag ah oo aan marayn karin inta ugu yar
ee qof caadiya maarayn karo haddii aad cadaynteeda u baahatona waa  sida aad u
dhex dabaalatay arrinka Axmed Cismaan Geelle, xidhitaanka Foore oo dhaliilay
Madaxtooyadda aad Maatidda ku wadhay, gabadanadda reer Maxamed Xasan
Dalab, xatooyaddii Guri-Barwaaqo iyo Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Xawar
iyo in kale oo badan taasi oo ay dadku hoos kuu leeyihiin waxaad Kursigii
Madaxwaynanimadda Somaliland ee laguu cumaamaday ku soo baxaday
Wax ma yaqaan
Wax yaqaan laga dhigaa
Wax ma yaqaanoo
Wax ma yaqaan buu ku soo baxaa
 
 
Wax ma yaqaan
Wax yaqaan laga dhigaa
Wax ma yaqaanoo
Wax loo dirtay hagaajin waa
 
Tolow intuu la gaadhi Muuse wax ma yaqaan Somaliland saddexda sanno ee u
hadhahay Allaw aanu dumin wax ma yaqaane.
 
 
Qore: Cabdi Muxumed
This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

Galaxyddll44p4Waxay mahadi u sugnaatay ilaaha Raxiimka ah ee markasta inoo
naxariista inagoo maalinkasta samayna musuq iyo muxaramaat hadana
inoo dib yeela nimcadiisana ina daajiya ilaa uu damiirkeenu dib u
garwaaqsanayo.

Waxaynu nahay wadan yar oo curdin ah oo ay ku gadaaman yihiin
malaayiin mashaakil oo hadii ay mid qudhii inasoo waajahdana aynaan u
taag helayn oo tun aynu ku qaadno, tamar aynu ku xamilno, iyo tab aynu
kuxalino midna lahayn waxa inoo yaala boqolaal dabin oo lagu naafaynayo
diinteena,dadkeena iyo dalkeenaba sidaasoy tahay waxa uu Alle inagaga
dahaadhay dabool adag oo uu inagu ilaashanayo.

In aynu habownay oo hog dheer kadhacnay waxaad ku garataa boqolaalka
danbi ee aynu maalin kasta samaynayno, markasta oo uu ilaahay inoo
naxariisto oo uu nimco ina siiyo ama balaayo inaga xijaabo halkii aynu uga
mahad naqi lahayn taa bedelkeedii ku kacno macsiyo iyo musuq aynu
kaga cadhaysiinayno, waxaa xusid mudan in ay hada inagu soo food
leedahay maalintii aynu dib ula soo noqonay qaranimada aynu danta
moodnay ee aynu shalay usoo riiq iyo rafaad dhamaysanay taasoo Allah
inoo fudaydiyey gacanteenana ku soo celiyey si uu inoogu imtaxaamo
hadaba waa halka aan u socdaye sidaynu u xusnaa maxaase inala
gudboon.

Waa Maalin Sabti ah loona af xidhan yahay rabigeen waxay ku beegan
tahay 28 Sano kadib lasoo noqoshadii qaranimada
Jamhuuriyada Somaliland oo mudan mahadnaq badan taa bedelkeeda
waxaynu caruurta iyo dumarka oo qaawan si aan haboonayna u hagoogan
calanka tawxiidku ku qoran yahay aynu u soo saarnaa shaaricyada
magaalooyinka waxynu ku boorinaa in ay jidhkooda ku ruxaan mashraxyo
Maamul iyo Musheekhba loo dhan yahay halkaasoo aynu ku daawano
inaga oo dhamaanteen ka raaliya qaarkoodna lacago lagu siiyo si ay u
heesaan oo iskugu keen hor ruxaan arintanoo ah macsiyo aynu u
dhanahay, waxaa dhaca shilal badan oo galaafta ubad,dhalinyar,iyo
haween badan oo ka lusha daaqaadaha iyo saqafka sare ee gawaadhida
kuwanoo aynu in badan u soo joognay, habeenkan waxaa la dhigaa
xaflado badan waxaana dhaca macaasi badan oo galaafta dhalinteena
gaar ahaana hablaheena.
Waxaan ku soo gunaanadayaa waxaynu munaasibadan u xusi karnaa si
waafaqsan diinta inaga oo aan rabigeen caasiyin, sidaa darteed waxaan u
soo jeedinayaa Culimada diinta in aanay ka aamusin arintan halista ah oo
ay kuligeenba masuuliyad inaga saran tahay ee ay ka wacdiyaan bulshada
xukuumaduna wax ka badasho nidaamka aynu u qabsano sanadguuradan
hadii kale waxaa ka dhalanaysa cadho eebe oo aynaan mahadin.

A.khadar A.Lahi Ali
This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

Dilkaa saraakiisha la dilay soomaaliland waxay u hor seedi kartaa in ay ku noqoto halkii ay joogtay 1990
Waayo waa wax aan horay loo arag im magaalo dhan ay qorshayso dil laba ruux oo iyaga adeegayaal u
ahaa , waa markii ugu horaysay ee niman ka diran ciidanka qaaranku ay soomaaliland dhexdeeda ay
qabiilo afduubtaan kuwaas oo gurmad ka waayey ciidamadii kala duwanaa ee ay ka dirsanaayeen
Waxaa shaki ku iman karaa guud ahaan ciidanka qaranka oo ay nasiibdarada dhacday ay taliyayaal u
yihiin rag la leeyahay waxay qayb ka ahaayeen dagaaladii sokeeye ee wadanka ka dhacay kuwaas oo aan
ilaawin aanooyinkii reeraha waxaan kula talinayaa madaxweynaha jamhuuriyada soomaliland in uu
talaabo ka qaado cidkasta oo ay arintani gasho sida loo badinayana taliyaha booliska Somaliland oo ah
ninka hagrashadani ka timid ama wax ka ogaa hawshaa foosha xun
Madax weyne hadaad arinkan wax ka qaban weydo waxaa dhacaya,
1) In uu lumo kalsoodida guud ee u dhacaysay dadka Somaliland oo ah dad is dhex socda wada
noolna
2) In uu yimaado aarsi u dhexeeya beelaha darif ilaa darif kaas oo sababi kara in uu askari
hanaaqsani hal meel ku laayo madaxda sharafta leh halka u saraysa iyo halka u hoosaysaba
isagoo diidan sida loo la dhaqmay reerkiisa
3) In dadku dib beelo iskugu abaabulo luntana arintii ahayd in dadka soomaliland wadanka wada
ilaashadaan oo uu cadawgu ku soo dhex dhuunto
Hadii la fuliyo qisaastaa falkaa foosha xun sameeyey ee ay tiradoodu tahay labaatameeyo waxaa
lahelayaa
1) In kalsoonidii shacabka iyo askartu isku qabeen timaado
2) In askarigu waajibkiisa gudan karo meel kasta
3) In cid danbe ku dhiiran dilid taliyayaal
4) In si guud amniga looga shaqeeyo

Yeynaan bulshada ka dhigin (ninkii falnaayaw lagu fasax ) allaha xaqa ku karan siiyo mudane madax
wayne
Qore waayo arag
Muuse Buuh

Dilkaa saraakiisha la dilay soomaaliland waxay u hor seedi kartaa in ay ku noqoto halkii ay joogtay 1990
Waayo waa wax aan horay loo arag im magaalo dhan ay qorshayso dil laba ruux oo iyaga adeegayaal u
ahaa , waa markii ugu horaysay ee niman ka diran ciidanka qaaranku ay soomaaliland dhexdeeda ay
qabiilo afduubtaan kuwaas oo gurmad ka waayey ciidamadii kala duwanaa ee ay ka dirsanaayeen
Waxaa shaki ku iman karaa guud ahaan ciidanka qaranka oo ay nasiibdarada dhacday ay taliyayaal u
yihiin rag la leeyahay waxay qayb ka ahaayeen dagaaladii sokeeye ee wadanka ka dhacay kuwaas oo aan
ilaawin aanooyinkii reeraha waxaan kula talinayaa madaxweynaha jamhuuriyada soomaliland in uu
talaabo ka qaado cidkasta oo ay arintani gasho sida loo badinayana taliyaha booliska Somaliland oo ah
ninka hagrashadani ka timid ama wax ka ogaa hawshaa foosha xun
Madax weyne hadaad arinkan wax ka qaban weydo waxaa dhacaya,
1) In uu lumo kalsoodida guud ee u dhacaysay dadka Somaliland oo ah dad is dhex socda wada
noolna
2) In uu yimaado aarsi u dhexeeya beelaha darif ilaa darif kaas oo sababi kara in uu askari
hanaaqsani hal meel ku laayo madaxda sharafta leh halka u saraysa iyo halka u hoosaysaba
isagoo diidan sida loo la dhaqmay reerkiisa
3) In dadku dib beelo iskugu abaabulo luntana arintii ahayd in dadka soomaliland wadanka wada
ilaashadaan oo uu cadawgu ku soo dhex dhuunto
Hadii la fuliyo qisaastaa falkaa foosha xun sameeyey ee ay tiradoodu tahay labaatameeyo waxaa
lahelayaa
1) In kalsoonidii shacabka iyo askartu isku qabeen timaado
2) In askarigu waajibkiisa gudan karo meel kasta
3) In cid danbe ku dhiiran dilid taliyayaal
4) In si guud amniga looga shaqeeyo

Yeynaan bulshada ka dhigin (ninkii falnaayaw lagu fasax ) allaha xaqa ku karan siiyo mudane madax
wayne
Qore waayo arag
Muuse Buuh