Print this page
Tuesday, 14 May 2019 19:05

DANBI AYNU HESHIIS KU NAHAY SHEEKH IYO SHARIIFBA By A.khadar A.Lahi Ali

Written by
Rate this item
(0 votes)

Galaxyddll44p4Waxay mahadi u sugnaatay ilaaha Raxiimka ah ee markasta inoo
naxariista inagoo maalinkasta samayna musuq iyo muxaramaat hadana
inoo dib yeela nimcadiisana ina daajiya ilaa uu damiirkeenu dib u
garwaaqsanayo.

Waxaynu nahay wadan yar oo curdin ah oo ay ku gadaaman yihiin
malaayiin mashaakil oo hadii ay mid qudhii inasoo waajahdana aynaan u
taag helayn oo tun aynu ku qaadno, tamar aynu ku xamilno, iyo tab aynu
kuxalino midna lahayn waxa inoo yaala boqolaal dabin oo lagu naafaynayo
diinteena,dadkeena iyo dalkeenaba sidaasoy tahay waxa uu Alle inagaga
dahaadhay dabool adag oo uu inagu ilaashanayo.

In aynu habownay oo hog dheer kadhacnay waxaad ku garataa boqolaalka
danbi ee aynu maalin kasta samaynayno, markasta oo uu ilaahay inoo
naxariisto oo uu nimco ina siiyo ama balaayo inaga xijaabo halkii aynu uga
mahad naqi lahayn taa bedelkeedii ku kacno macsiyo iyo musuq aynu
kaga cadhaysiinayno, waxaa xusid mudan in ay hada inagu soo food
leedahay maalintii aynu dib ula soo noqonay qaranimada aynu danta
moodnay ee aynu shalay usoo riiq iyo rafaad dhamaysanay taasoo Allah
inoo fudaydiyey gacanteenana ku soo celiyey si uu inoogu imtaxaamo
hadaba waa halka aan u socdaye sidaynu u xusnaa maxaase inala
gudboon.

Waa Maalin Sabti ah loona af xidhan yahay rabigeen waxay ku beegan
tahay 28 Sano kadib lasoo noqoshadii qaranimada
Jamhuuriyada Somaliland oo mudan mahadnaq badan taa bedelkeeda
waxaynu caruurta iyo dumarka oo qaawan si aan haboonayna u hagoogan
calanka tawxiidku ku qoran yahay aynu u soo saarnaa shaaricyada
magaalooyinka waxynu ku boorinaa in ay jidhkooda ku ruxaan mashraxyo
Maamul iyo Musheekhba loo dhan yahay halkaasoo aynu ku daawano
inaga oo dhamaanteen ka raaliya qaarkoodna lacago lagu siiyo si ay u
heesaan oo iskugu keen hor ruxaan arintanoo ah macsiyo aynu u
dhanahay, waxaa dhaca shilal badan oo galaafta ubad,dhalinyar,iyo
haween badan oo ka lusha daaqaadaha iyo saqafka sare ee gawaadhida
kuwanoo aynu in badan u soo joognay, habeenkan waxaa la dhigaa
xaflado badan waxaana dhaca macaasi badan oo galaafta dhalinteena
gaar ahaana hablaheena.
Waxaan ku soo gunaanadayaa waxaynu munaasibadan u xusi karnaa si
waafaqsan diinta inaga oo aan rabigeen caasiyin, sidaa darteed waxaan u
soo jeedinayaa Culimada diinta in aanay ka aamusin arintan halista ah oo
ay kuligeenba masuuliyad inaga saran tahay ee ay ka wacdiyaan bulshada
xukuumaduna wax ka badasho nidaamka aynu u qabsano sanadguuradan
hadii kale waxaa ka dhalanaysa cadho eebe oo aynaan mahadin.

A.khadar A.Lahi Ali
This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

Read 464 times
Abdi

Latest from Abdi