English News

First Somali immigrant to lead Minneapolis public housing board

The Minneapolis Public Housing Authority has selected Sharmarke Issa to lead…

Black Women Rally in Defense of Rep. Ilhan Omar +VIDEO

Black Women Rally in Defense of Rep. Ilhan Omar

Dusit attack: Court to rule on whether to release financer

A magistrate court will today rule on whether a man accused of sending money…
dk gw

Australia's worst cabbie? Taxi driver, 69, is banned from the roads after asking a blind passenger for directions

A grandmother has lost her taxi accreditation after she racked up close to…

Accused Somali war criminal found driving for Uber and Lyft in American Suburbs

An alleged Somali war criminal has been working as a driver for Uber and…
k990

Shabaab official justifies attacks on civilians while preaching the sanctity of Muslim blood

Abu ‘Abdurahman Mahad Warsame, a senior Shabaab official, addresses the…
ddddg

Londoner to become first contestant to wear headscarf at Miss Universe Great Britain

A Londoner is set to become the first Miss Universe Great Britain contestant…
kkllll

Ethiopian Airlines CEO wants rigorous review of Boeing 737-MAX planes following fatal crash

Two months after Ethiopian Airlines Flight 302 crashed, killing all 157…

Muslim women accuse Amazon of ‘harassing and hostile’ work conditions

Amazon is being accused of religious discrimination and retaliation by three…
dd

Ex-Somali colonel faces civil trial in US alleging torture

ALEXANDRIA, Va. (AP) — A northern Virginia man who served decades ago as a…
Tuesday, 14 May 2019 19:13

Madaxwayne Biixi oo Kursigii Madaxtooyadda Somaliland Ku Soo Baxay Waxba Mayaqaan By: Cabdi Muxumed

Written by
Rate this item
(0 votes)

Wax ma yaqaan
Wax yaqaan laga dhiggaa
Wax ma yaqaanoo
Wax ma yaqaan buu ku soo baxaa
 
 
Wax ma yaqaan
Wax yaqaan laga dhigaa
Wax ma yaqaanoo
Wax loo dirtay hagaajin waa
 
Alle Ha u naxariisto e’ Abwaan: Yuusuf Aadan Xuseen (Allaale)
 
Muddo hadda laga joogo 25 sano Waxa su’aal aad muhiim u ah waydiiyay Muuse
biixi wargayska Codka Hargyasa ama Xoriyo mid kood oo ahaa wargaysyadii ugu
horeeyay ee lagu asaasay warbaahinta daabacan ee somalilnad oo la kawsaday
curashadii jamuuriyada Somaliland. Su’alshaas oo ahayd Muuse Biixi ma milatari
baa mise waa siyaasi? Muuse su’alshaa waxa uu kaga falceliyay dareen cadho iyo
handaadaad uu u handaday wariyihii su’aalsha ku ganay oon filayo inuu ahaa
Wayab, waxa uu muuse ku jawaabay su’aal kale oo ah maxaan kaga duwanahay
George Washington iyo Jamal Cabdinaasir oo labaduba milatari iyo siyaasiyiin
soo noqden? Laakiin muuse ayaa si ficil ah uga jawaabay suaalshan ruc qarni ka
diib.

Haddaba waxaan maqaalkan si gooniya diiradda ugu saari doonaa bal ka uu
noqday 25 sanno ka dib isagoo xilligaa uu Weriyuhu su’aasha waydiiyay u
laqimayay inuu yahay labadaba sidaa George Washington iyo Jamaal
Cabdi-naasir oo labada jagaba wada qabtay iyadoo uu isna ka mid yahay uun
kuwaa soo maray Adduunka ee labada darajaba isku hantiyay. Taasi waxa ay been
cad noqotay rubuc qarni ka dib oo Muuse Biixi uu Ummadda Somaliland tusay
karti daridiisa Siyaasadeed iyadoo iminka oo aan qorayo Maqaalkan Maati iyo
Carruur ka soo jeedda Qoyska reer Maxamed
Xasan Dalab uu cagta mariyay hoy ay ku lahaayeen duleedka Hargaysa oo uu inoo
laqimayo inuu ka yagleeli doono madaxtooyo cusub oo Qaranku yeesho isagoo tii

hore ee Somaliland lahayd ee uu ka dhaxlay Madaxwaynayaashii isaga ka
horeeyayba waxba ku noqon waayay oo wixii ka soo fulaan ay noqdeen Wargayso
la xidho sidii Foore oo Faallo ka qoray isla arrinkaa iyo cagajuglayn uu ku hayo
Shacabkii doortay.
 
Heesta aan ka soo dheegtay tuducyada kor ku xusan waxaa lahaa oo curiyay Alla
ha u naxariisto e
Yuusuf Aadan Xuseen (Allaale) oo ka mid ahaa Hobaladdii Caan baxay ee
Waaberi. Yuusuf waxa uu lahaa heeso badan oo tawriya kuwo Jacayl ah iyo
Ruwaayado ay ka mid ahaayeen Gar Cadaawe iyo Caashaq, Cilmi iyo Caaddo,
Bad Dhiigga iyo Beer kalgacal iyo kuwo kale iyadoo aan si gooniya u xushay
heestiisii wax ma yaqaan kaasi oo uu u tirayay nin ka mid ahaa kuwii is biday
qabiil ee qaranimaddii meel iskaga tiiriyay ee xukuumaddii Siyaad Barre oo
iskuhalayn  waxa uu doona u fali jiray kaasi oo maalin maalmaha ka mida ku soo
dhex dhacay muran ka dhex taagnaa hoballaddii Waaberi intoodii ka qayb
qaadatay filimkii laga matalay ruwaayaddii Cilmi iyo Caado.
Waxa jirtay hab loo qaybsan jiray dakhliga ka soo xarooda riwaayadaha la dhigo
habkaas oo ahaa in si siman loo qaybsado oo qof walba oo ka qayb qaatay
riwayaada ha ahaado muushishan, majaajilayste ama hesaa in la siiyo qayb la mid
ah ka kale. Habka waxa jidaysay kooxdii walaalaha hargysa.
Lakiin riwayaadii Cimli iyo Caado film ayaa laga matalay markaa yuusuf iyo
hobaladii Waabari ee la dhigay riwaayadu waxay isku qabteen habka loo
qaybsanayo. Sidii hore ayaa loo qaybsanayaa iyo mayee tani waa film dhan ee
riwaayad maaha ee loo ma qaybsanayo ayaa lagu murmay.
Abwaan Yuusuf iyo Kooxda intooddii kale oo arrinkii falanqaynaya ayaa uu nin ka
tirsanaa Ardaaga maxamed Siyaad barre ugu yimi Tiyaatarkii Xamar, isagoo ku
jeedsaday Yuusuf kuna  taliyay si aan sax ahayn taasi oo ka cadhaysiisay Yuusuf
oo talada go’aankeeda lahaa bacdamaa riwaayaddiisa laga matalay filimka oo
ninkani aanu taladeeda shaqo ku lahayn marka laga reebo madaxtaaga qabiil ee uu
awooda ku sheeganayo halkaa waxa ka dhalatay Heestaa wax ma yaqaan oo ay ku
luuqeeyeen kooxddii danan ee ururka dhalinyaradda laxankana uu ku qaabeeyay
Mulaxmiiste Macallin Xasan Giraydh. Hadaba manta oo ay muddo ka soo
wareegtay waxa la odhan karaa waa ay nooshay oo kaa iyo kuwii
Uu u tirayay Alle ha u naxariisto Yuusuf Aadan Xuseen heestaa weli waa ay
joogaan waliba waxa ay u halabsadeen si uun kursiga ugu sareeya Qaranimadda
Somaliland iyadoo aan la mahadin goor kasta iyo goob kasta kuwa noocaas ah.
 
Aan ku soo Af-meero Maqaalkii mudo 25 sanno ka dib waxa uu Muuse Biixi
Cabdi uga jawaabay si toosa su’aashaa Codka Hargaysa ama Xorriyo midkood
waydiiyeen ka uu yahay siyaasi ama milatari. Mudo ka yar laba sanno waxa

cadaatay inuu ku jahawareeray kursigii madaxwaynenimadda Somaliland oo aanuu
lahay hal wiqiyad karti siyaasadeed oo uu ku maarayo hawlihii kula soo darsay oo
ay ka anfariireen Shacabka Somaliland taaso oo cadayn u ah ka aad tahay. Waxaan
ku leenahy waxaad tahay Milatari macangag ah oo aan marayn karin inta ugu yar
ee qof caadiya maarayn karo haddii aad cadaynteeda u baahatona waa  sida aad u
dhex dabaalatay arrinka Axmed Cismaan Geelle, xidhitaanka Foore oo dhaliilay
Madaxtooyadda aad Maatidda ku wadhay, gabadanadda reer Maxamed Xasan
Dalab, xatooyaddii Guri-Barwaaqo iyo Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Xawar
iyo in kale oo badan taasi oo ay dadku hoos kuu leeyihiin waxaad Kursigii
Madaxwaynanimadda Somaliland ee laguu cumaamaday ku soo baxaday
Wax ma yaqaan
Wax yaqaan laga dhigaa
Wax ma yaqaanoo
Wax ma yaqaan buu ku soo baxaa
 
 
Wax ma yaqaan
Wax yaqaan laga dhigaa
Wax ma yaqaanoo
Wax loo dirtay hagaajin waa
 
Tolow intuu la gaadhi Muuse wax ma yaqaan Somaliland saddexda sanno ee u
hadhahay Allaw aanu dumin wax ma yaqaane.
 
 
Qore: Cabdi Muxumed
This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

Read 412 times