English News

First Somali immigrant to lead Minneapolis public housing board

The Minneapolis Public Housing Authority has selected Sharmarke Issa to lead…

Black Women Rally in Defense of Rep. Ilhan Omar +VIDEO

Black Women Rally in Defense of Rep. Ilhan Omar

Dusit attack: Court to rule on whether to release financer

A magistrate court will today rule on whether a man accused of sending money…
dk gw

Australia's worst cabbie? Taxi driver, 69, is banned from the roads after asking a blind passenger for directions

A grandmother has lost her taxi accreditation after she racked up close to…

Accused Somali war criminal found driving for Uber and Lyft in American Suburbs

An alleged Somali war criminal has been working as a driver for Uber and…
k990

Shabaab official justifies attacks on civilians while preaching the sanctity of Muslim blood

Abu ‘Abdurahman Mahad Warsame, a senior Shabaab official, addresses the…
ddddg

Londoner to become first contestant to wear headscarf at Miss Universe Great Britain

A Londoner is set to become the first Miss Universe Great Britain contestant…
kkllll

Ethiopian Airlines CEO wants rigorous review of Boeing 737-MAX planes following fatal crash

Two months after Ethiopian Airlines Flight 302 crashed, killing all 157…

Muslim women accuse Amazon of ‘harassing and hostile’ work conditions

Amazon is being accused of religious discrimination and retaliation by three…
dd

Ex-Somali colonel faces civil trial in US alleging torture

ALEXANDRIA, Va. (AP) — A northern Virginia man who served decades ago as a…

14/05/2019 (BNN) Xilli kiiska muranka badda ee Soomaaliya iyo Kenya uu marayo meel xasaasi ah ayaa waxaa soo baxaysa qiimayn lagu samaynayo dhaqaalaha ku baxaya dacwadaasi.

Qareennada labada dhinac u doodaya ayaa la sheegay inay yihiin kuwa helaya faa’idada ugu badan ee dhaqaale.


Sida uu qoray wargayska Business Daily ee ka soo baxa dalka Kenya dowladda Kenya ayaa lacago malaayiin doollar ah ku bixisay kiiska muranka xuduudda dhanka badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya.

Wasaaradda maaliyadda ee dalka Kenya ayaa sida uu wargayska ka soo xigtay waxaa qareennada kiiskan u doodaya ay ku bixisay lacag dhan Ksh300 oo milyan oo shilinka Kenya ah taasi oo u dhiganta 30 milyan oo doolar.

Sida ku cad qiyaasta miisaaniyadda sanadkan dowladda Kenya ayaa kordhinaysa lacagaha dhanka sharciga oo imika ah 1.7 bilyan oo shilinka Kenya ah, waxaana sanadkan la gaarsiinayaa 2 bilyan oo shilinka Kenya ah oo u dhiganta 20 milyan oo doolar.

Maxkamadda caalamiga ah ee (ICJ) ee fadhigeedu yahay Hague ayaa qaadaysa dacwad dhanka badda ah oo ay dowladda Soomaaliya u gudbisay 2014, ka dib markii ay guldareysteen wadaxaajood labada dhinac u dhaxeeyay.

“Waxaa la kordhiyay lacagaha dhanka sharciga ee lagu difaacayo calaamadeynta xuduudda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya, waxaa sidaasi lagu sheegay qiyaas miisaaniyadeed toddobaadkii aanu soo dhaafnay loo gudbiyay baarlamaanka Kenya.

Xukuumadda Nairobi ayaa muddo dheer ku adkaysanaysay in go’aanka xudduudda lagu salaynayo tii la jaangooyay xilligii gumaystaha ee dhanka bari.

Balse Soomaaliya ayaa dhankeeda sheegtay in xadka lagu salaynayo dhanka Koonfur bari iyada oo la eegayo xudduuda dhanka dhulka.

Kiisaska muranada ee la geeyo maxkamada caalamiga ah ee ICJ ayaa go’aan ka gaaristooda waxay qaadataa muddo sanado ah.

Muranka dhanka badda ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya ayaa saamayn ku yeeshay baaritaannada dhanka shidaalka iyo Gaaska ee laga samaynayay goobaha badda ee lagu muransan yahay.

Bishii February, Kenya ayaa dib ugu yeeratay safiirkii ka fadhiya Muqdisho ka dib markii sida la sheegay ay dowladda Soomaaliya “xaraashtay qaar ka mid ah buqcadihii lagu muransanaa”.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in maalmo ka hor shirkii London ay dowlada Soomaaliya u gudbisay walaaceeda ku aadan xaraashka.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com