22/05/2019(BNN) Xeerbeegti Maraykan ah ayaa heshay in uu dambi gaystay nin Soomaali ah oo taxi kaga shaqaysan jiray gobolka Virginia ee dalka Maraykank, isaga oo jirdil gaystay intii uu socday dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya qaybihii dambe ee siddeetameeyadii.

Farxaan Taani Warfaa ayaa toddobaadkii hore ku makhraati furay Yusuf Cabdi Cali oo ah nin horay kornayl uga soo noqday Soomaaliya, balse hadda ku sugnan Washington DC, wuxuuna sheegay in uu jir dilay.

Cali ayaa ka mid ahaa madaxdii ciidammada qalabka sida ee Soomaaliya wuxuuna taageersanaa kaligii taliye Maxamed Siyaad Barre, sida lagu sheegay xogta maxkamadda.

Bishan wixii ka horraysay Cali wuxuu wadi jiray taksiga tiknoolajiyadda la jaanqaaday ee Uber isaga oo dad badan ay jeclaysteen adeegiisa intii uu hawshaas hayay.
Talaadadii xeerbeegti ka tirsan maxkamadda faderaalka ee magaalada Alexandria ee gobolka Virginia ee dalka Maraykanka ayaa Yuusuf ku heshay in uu masuul ka ahaa jirdilkii loo gaystay Farxaan muddo haatan laga joogo in kabadan soddon sano, waxayna u xukuntay 500,000 oo doolar oo magdhaw ah
Farxaan oo dacwaddan markii u horraysay ku soo oogay Yuusuf sannadkii 2014kii ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay go'aanka maxkamadda.

"Aad iyo aad baan ugu farxay go'aanka maxkamadda," Ayuu yidhi Farxaan.

Farxaan ayaa sheegay in ciidammada Yuusuf ay gurigiisa oo waqooyiga Soomaaliya ku yaalla ka afduubteen sannadkii 1987.

Bilihii ka dambeeyayna wuxuu sheegay in su'aalo la waydiin jiray, la jidh dili jiray, la garaaci jiray isla markaasna xabbad lagu dhuftay iyadoo awaamiirta uu bixinayay kornayl Yuusuf oo guuto xukumay.

Mayd ahaan ayaa la iiga tagay ayuu yidhi Farxaan, wuxuuna sheegay in uu lacago siiyay dadkii aasi lahaaa si ay mayd kale booskiisa ugu badalaan.

Warbaahinta CBC ee dalka Canada ayaa markii u horraysay ku baahisay warbixin ay kornaylkan uga hadlayso sannadkii 1992, taas oo faahfaahin ka bixisay eedaymaha Farxaan loo soo jeediyay ee sheegaya in uu dil iyo dhibaatooyin kale u gaystay boqollaal ruux intii uu u shaqaynayay dawladdii Maxamed Siyaad Barre.
Marka warbixintaas la baahinayo Kornaylku wuxuu ku noolaa Canada wuxuuna waardiye ka ahaa Toronto.

Warbixintaas dheer ayaana lagu soo bandhigay dhawr goobjooge oo ka soo jeeda gobollada waqooyiga Soomaaliya kuwaas oo ku eedeeyay in uu Yuuus amray dilal arxan darro ah, kornaylka ayaa ku magac dheer Tuke.

Waxyar ka dib Cali ayaa laga masaafuriyay Canada sida ku cad waraaqo maxkamadeed isaga oo lagu eedeeyay tacaddiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

Maraykanka ayaa isna billaabay qorshe uu ku tarxiilayo Yuusuf Tuke, balse dalkaas ayuu ku laabtay sannadkii 1996. Ma cadda sida uu dib ugu laabtay dalkaas.

Wasaaradda amniga gudaha oon la xidhiidhnay jawaab degdeg ah kama bixin arrintaas.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

English News

Singub1

Veteran Somali poet Mohamud Abdullahi Issa aka Sangub Died in Ethiopia.

Reports from Adis Ababa the capital of the federal republic of Ethiopia says…

Can milk reduce the risk of cancer? Milk Protective Agent Against Cancer.

The Israel Cancer Association points to milk as a possible protective agent…
eritra

US removes Eritrea from Counterterror Non-Cooperation List

The United States has removed Eritrea from the list of countries that are…

Russia probe: Mueller says charging Trump was 'not an option

US Special Counsel Robert Mueller said on Wednesday that he is leaving the…

Ethiopia to probe for map that erases Somalia

Ethiopia is launching a probe to find out how a map of Africa on its…

Confutation Respond to Mohamed Olad: DDS’s communication advisor for Somali Regional

Re: Your report on 20th of May aboutthe Ethiopian Embassy,London and the…

First Somali immigrant to lead Minneapolis public housing board

The Minneapolis Public Housing Authority has selected Sharmarke Issa to lead…

Black Women Rally in Defense of Rep. Ilhan Omar +VIDEO

Black Women Rally in Defense of Rep. Ilhan Omar

Dusit attack: Court to rule on whether to release financer

A magistrate court will today rule on whether a man accused of sending money…
dk gw

Australia's worst cabbie? Taxi driver, 69, is banned from the roads after asking a blind passenger for directions

A grandmother has lost her taxi accreditation after she racked up close to…

Accused Somali war criminal found driving for Uber and Lyft in American Suburbs

An alleged Somali war criminal has been working as a driver for Uber and…
k990

Shabaab official justifies attacks on civilians while preaching the sanctity of Muslim blood

Abu ‘Abdurahman Mahad Warsame, a senior Shabaab official, addresses the…
ddddg

Londoner to become first contestant to wear headscarf at Miss Universe Great Britain

A Londoner is set to become the first Miss Universe Great Britain contestant…
kkllll

Ethiopian Airlines CEO wants rigorous review of Boeing 737-MAX planes following fatal crash

Two months after Ethiopian Airlines Flight 302 crashed, killing all 157…

Muslim women accuse Amazon of ‘harassing and hostile’ work conditions

Amazon is being accused of religious discrimination and retaliation by three…
dd

Ex-Somali colonel faces civil trial in US alleging torture

ALEXANDRIA, Va. (AP) — A northern Virginia man who served decades ago as a…