23/05/2019(BNN) Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqay xukuumadda Soomaaliya iyo dowlad gobolleedyada xubnaha ka ah inay wadashaqeyn dhaw yeeshaan.

Arrimahaasi ayaa waxaa lagu sheegay kulan gaar ahaa oo goluhu uu kaga hadlayay dhacdooyinkii waaweynaa ee Soomaaliya ka dhacay muddadii u dhaxaysay 14-Diseembar 2018 ilaa 4-tii bishan May 2019.

Raisedon Zenenga oo ah ku xigeenka madaxa xafiiska Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya ayaa golaha ammaanka u sheegay in howlgalka UNSOM uu sannadkan ugu billowday dhibaatooyin dhanka amniga ah oo ay kamid yihiin weerarkii lagu qaaday Xalane iyo qalalaasaha siyaasadeed ee horseeday in dowladda Soomaaliya ay dalkeeda ka eridday wakiilkii xog-hayaha Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Nicholas Haysom.

Waxaa uu sheegay inay sameeyeen dadaallo siyaasadeed oo dib loogu soo celinayo xiriirkii kala dhexeeyay dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

Waxaa loo soo jeediyay dowladda Soomaaliya inay ku tallaabsato qodobadan soo socda.


Sirddoonka


Safiirka Shiinaha u fadhiya Qaramada Midoobey ayaa ka codsaday beesha caalamka in dowladda Soomaaliya ay taageero dheeraad ah ka siiyaan xoojinta arrimaha amniga iyo dib u dhiska ciidammada.

Yao Shaojun ayaa ku baaqay in dowladda Soomaaliya loo fidiyo taageero dhinaca sirddoonka ah.

"Ammaanka Soomaaliya waxaa uu muhiim u yahay dalalka Geeska Afrika, xoojinta xasiloonida iyo amniga dalka waxay dan ugu jirtaa dalalka Gobolka iyo guud ahaan beesha caalamka" ayuu yiri safiirka Shiinaha u fadhiya Qaramada Midoobey, Yao Shaojun xilli uu la hadlayay golaha ammaanka.

Wadashaqeynta
Ku-xigeenka xafiiska Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya, Raisedon Zenenga ayaa kula taliyay Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada inay xoojiyaan xiriirkooda isla markaasa ay si wadajir ah uga shaqeeyaan danaha dalka.

Waxaa uu carrabka ku adkeeyay inay waajib tahay sare u qaadidda wadashaqeynta dowladda dhexe iyo maamullada si loo xalliyo caqabado badan oo ku hor gudban in heshiis ay gaaran.

Waxaa baarlamaanka loogu baaqay inay dardar geliyaan dhaqangelinta shuruucda dalka.

Abaaraha


Waxaa lasoo jeediyay in la iska kaashado taakuleynta iyo taageerada loo fidinayo shacabka ay abaaraha saameeyeen.

Ku-xigeenka madaxa arrimaha bani'aadanimada iyo gargaarka Qaramada Midoobey, Ursula Mueller, ayaa sheegtay in 4.2 milyan qof oo Soomaali ah ay u baahan yihiin gargaar banii'aadanimo, kuwaas oo ay saameeyeen abaaraha iyo macluusha.

Soomaaliya iyo Somaliland


Ku-xigeenka madaxa xafiiska Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya, Raisedon Zenenga ayaa sheegay in wadahadalladii la isku mari waayay ee u dhexeeyay Soomaaliya iyo Somaliland ay saameyn ku yeesheen dib u eegistii lagu sameyn lahaa dhameystirka dastuurka.

Waxaa uu sidoo kale bogaadiyay hadalkii madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi uu ka yiri xuska 18-ka May ee ahaa inay ka go'aantahay in Puntland ay kala shaqeeyaan arrimaha amniga, waxaana kamid ah sii deynta maxaabiista iyo in dowladda Soomaaliya ay kala shaqeyn doonaan arrimaha amniga, gancsiga iyo waxbarashada.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

English News

Can milk reduce the risk of cancer? Milk Protective Agent Against Cancer.

The Israel Cancer Association points to milk as a possible protective agent…
eritra

US removes Eritrea from Counterterror Non-Cooperation List

The United States has removed Eritrea from the list of countries that are…

Russia probe: Mueller says charging Trump was 'not an option

US Special Counsel Robert Mueller said on Wednesday that he is leaving the…

Ethiopia to probe for map that erases Somalia

Ethiopia is launching a probe to find out how a map of Africa on its…

Confutation Respond to Mohamed Olad: DDS’s communication advisor for Somali Regional

Re: Your report on 20th of May aboutthe Ethiopian Embassy,London and the…

First Somali immigrant to lead Minneapolis public housing board

The Minneapolis Public Housing Authority has selected Sharmarke Issa to lead…

Black Women Rally in Defense of Rep. Ilhan Omar +VIDEO

Black Women Rally in Defense of Rep. Ilhan Omar

Dusit attack: Court to rule on whether to release financer

A magistrate court will today rule on whether a man accused of sending money…
dk gw

Australia's worst cabbie? Taxi driver, 69, is banned from the roads after asking a blind passenger for directions

A grandmother has lost her taxi accreditation after she racked up close to…

Accused Somali war criminal found driving for Uber and Lyft in American Suburbs

An alleged Somali war criminal has been working as a driver for Uber and…
k990

Shabaab official justifies attacks on civilians while preaching the sanctity of Muslim blood

Abu ‘Abdurahman Mahad Warsame, a senior Shabaab official, addresses the…
ddddg

Londoner to become first contestant to wear headscarf at Miss Universe Great Britain

A Londoner is set to become the first Miss Universe Great Britain contestant…
kkllll

Ethiopian Airlines CEO wants rigorous review of Boeing 737-MAX planes following fatal crash

Two months after Ethiopian Airlines Flight 302 crashed, killing all 157…

Muslim women accuse Amazon of ‘harassing and hostile’ work conditions

Amazon is being accused of religious discrimination and retaliation by three…
dd

Ex-Somali colonel faces civil trial in US alleging torture

ALEXANDRIA, Va. (AP) — A northern Virginia man who served decades ago as a…