profffgg

15/05/2019 (BNN) Prof Axmad Ismaaciil Samatar waa aqoonyahan haysta shahaadada ugu saraysa ee PHD ee Cilmiga dhaqaalaha iyo Siyaasada.Prof Samatar oo da,diisu tahay 19jir ayaa shaqo ka bilaabay idaacada BBCSomali ee London,muddo kooban kadibna waxa uu go,aansaday inuu cilmi u raadsado Maraykanka,waxaana uu halkaasi ka noqday Macalin Iyo maamule Jaamacadeed.

Prof Samatar oo ay iskugu biirtay haybad uu ilaahay u siiyay hadalka iyo waxgudbinta ayaa meesha ka saaray aqoonyahniin tiro badan oo Somali ah waxaana uu noqday aqoonyahankii koowaad ee Somaliyeed ee beesha caalamku ku qanacdo doodihiisa xaalada Somaliya iyo geeska Afrika oo si aan gabasho lahayn uga hadla.

Prof Samatar oo muddo dheer kasoo horjeeday qadiyada Somaliland ayaa go,aansaday inuu Somaliland kusoo laabto 2013kii halkaasi oo si wayn loogu soo dhaweeyay guud ahaan Somaliland.

Samatar intaasi kadib waxa uu bilaabay casharo baraarujin ah oo uu ka jeediyay jaamacadaha iyo xafladaha Somaliland oo uu shacabka uu ku tilmaamay sida aduunyadu u socoto iyo waxa yaala Somaliland,taasi oo badashay caqligii iyo wactigii Somaliland oodhan.Muuqaalo Boramanews faafisay oo Prof Samatar ku gudbiyay aqoon iyo wacyigalin ayaa kumanyaal reer Somaliland ahi ka bixiyeen fikirkooga oo ay ku sheegeen inay jeclaan lahaayeen inuu Prof Samatar Madaxwayne u noqdo Somaliland si guul loo gaadho.

2013kii ilaa 2016kii Prof Samatar waxa uu ahaa aqoonyahan kasbaday caqliga iyo fikirka shacabka Somaliland oodhan,kadib markii uu kulamdii uu qabtay noqdeen kuwo meesha ka saaray koox shacabku ka daaleen oo aduunyada iyo aqoonta waxay ka yaqaaneen ahayd in qabiil lacaayo iyo in laga sheego Jabhadii SNM ee Somaliland qabsatay.

2016kii ayaa waxaa lasoo gaadhay xili siyaasiyiin uu Muuse Biixi kaw ka ahaa ay usoo fikireen Prof Samatar in god lagu rido awoodiisa shacbina looga faa,iidaysto in Muuse Biixi uu u ololeeyo oo uu Prof Samatar shacabka isla soo hortaago inay Muuse Biixi oo dakharo halis ahi ku yaaliin uu ugu yeedho geesi wax kabadalaya dalka.Waxaana Prof Samatar lagu qanciyay inuu galo Xisbiga Kulmiye oo xambaarsan mabaadiida ururkii SNM oo xisbigaasina iskugu tageen dhamaan jabhadii iyo inta colaad gaara qabta.Xisbigaasi oo gudoomiyaha,ku xigeenka,xigeenka 2aad,kan 3aad,Xoghayaha,gudoomiyaha golaha dhexe dhamaanba yihiin beesha SNM aaminsana mabaadii halis ku ah shacabka darifyada,ayaa Prof Samatar waxa uu ugu dhacay shabaga waxaana deegaankasta ku maray socdaal uu waxkaga badalayo sumcadii dhimatay ee Muuse Biixi ee dagaalkii sokeeye.waxaana magaciisii loo adeegsaday guusha Muuse Biixi ku fadhiyo kursiga madaxtooyada Somaliland.

Prof Samatar oo shacabka Somaliland intooda badan ka naxeen markii uu siyaasada iyo xisbiga Kulmiye galay ayaa waxaa masuuliyiin sare oo xisbiga Kulmiye laf ahaantooda ka tirsani horay u qireen in doorashada kaliya looga danleeyahay in uu ka shaqeeyo waxes u yaali habayaraatee jirin.

Waxgarad iyo aqoonyahaniin tiro badan oo Somaliland ku dhaqan ayaa aamiinsan in Prof Samatar khalad taariikhiya galay markii uu u ololeeyay Muuse Biixi kuna biiray xisbiga Kulmiye,waxayna ku taliyeen inay fiicnaan lahayd inuu siyaasada banaanka ka joogo ama uu isagu musharanimo kula tartamo Muuse Biixi taasi oo wakhtigaasi suurtagal ahayn.

Ugu dambayn Prof Samatar oo u dhashay dhiiranaan iyo xornimo aan cidna ka qaadan Karin ayaa isla markiiba looga baxay heshiiskii Kulmiye uu la galay waxaana uu Muuse Biixi lasoo baxay ajandihiisii qarsoonaa,waxaana uu diiday talooyin uu Prof Samatar soo jeediyay oo ahayd qaabka dawlada loo dhisayo iyo nidaamka maamulka xukuumada sida ladagaalanka musuqmaasuqa iyo wasiiro aqoon leh.Muuse Biixi waxa uu ka doortay rag aqoon lahayn oo uu isleeyahay way ku maqlayaan ololihii Prof Samarna waxa uu noqday khiyaamo uu shacabka kagalay.

Cayda Iyo Xagxagashada Lagu Hayo Prof Samatar.

Waxaa isasoo taraya cayda iyo dagaalka taageerayaasha Jeegaantu u miisayaan Prof Samatar gaar ahaan qaar ay isku dhaw yihiin kana tirsan xukuumada Muuse Biixi oo si badheedha u weeraray isla markaana meel kadhacyo u gaystay Prof Axmad Samatar oo ay marnaba gaadhi Karin aqoontiisa iyo kartidiisa,Cayda iyo aflagaadada lagu hayo Prof Samatar waxay aqoonyahaniin iyo waxgarad badan u fasisheen dagaal ka imanaya xaga Muuse Biixi oo loola badheedhay Prf Samatar oo marnaba caqligiisa la qabsan Karin.Taasi oo loo micnaystay dagaal toos ah oo gabasho lahayn

Maxaa La Gudboon Prof Samatar?

Prof Samatar waa nin daacad ah qalbi wanaagsan guulna la raba Somaliland,balse hogaamiyayaashii jabahada SNM waxay isku dayeen inay isagoo nool oo socda dilaan ,kadib markii ay heshiiska kaga baxeen,waxaase muhiima in bini,aadanku ogaado in khalad dhaca aysan marnaba ahayn aduunyaddii oo dhamaatay,Prof Samatar waa inuu soo horjoogsadaa shacabka raali galina siyaa sharaxaad cadna ka bixiyaa jabka ka gaadhay Kulmiye iyo Muuse Biixi.Intaasi kadib Prof Samatar ku ekaadaa wacyi galinta bulshada marka xisbiyada la furana uu mid uu isagu aasaase ka yahay uu sameeyaa taladaasi ayaa waxgaradka ugu badan Somaliland ujeediyeen Prof Samatar.

 

Cabdiraxman X Xasan (Suul)

Xafiiska Wararka Boramanews

This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

Media

English News

Can milk reduce the risk of cancer? Milk Protective Agent Against Cancer.

The Israel Cancer Association points to milk as a possible protective agent…
eritra

US removes Eritrea from Counterterror Non-Cooperation List

The United States has removed Eritrea from the list of countries that are…

Russia probe: Mueller says charging Trump was 'not an option

US Special Counsel Robert Mueller said on Wednesday that he is leaving the…

Ethiopia to probe for map that erases Somalia

Ethiopia is launching a probe to find out how a map of Africa on its…

Confutation Respond to Mohamed Olad: DDS’s communication advisor for Somali Regional

Re: Your report on 20th of May aboutthe Ethiopian Embassy,London and the…

First Somali immigrant to lead Minneapolis public housing board

The Minneapolis Public Housing Authority has selected Sharmarke Issa to lead…

Black Women Rally in Defense of Rep. Ilhan Omar +VIDEO

Black Women Rally in Defense of Rep. Ilhan Omar

Dusit attack: Court to rule on whether to release financer

A magistrate court will today rule on whether a man accused of sending money…
dk gw

Australia's worst cabbie? Taxi driver, 69, is banned from the roads after asking a blind passenger for directions

A grandmother has lost her taxi accreditation after she racked up close to…

Accused Somali war criminal found driving for Uber and Lyft in American Suburbs

An alleged Somali war criminal has been working as a driver for Uber and…
k990

Shabaab official justifies attacks on civilians while preaching the sanctity of Muslim blood

Abu ‘Abdurahman Mahad Warsame, a senior Shabaab official, addresses the…
ddddg

Londoner to become first contestant to wear headscarf at Miss Universe Great Britain

A Londoner is set to become the first Miss Universe Great Britain contestant…
kkllll

Ethiopian Airlines CEO wants rigorous review of Boeing 737-MAX planes following fatal crash

Two months after Ethiopian Airlines Flight 302 crashed, killing all 157…

Muslim women accuse Amazon of ‘harassing and hostile’ work conditions

Amazon is being accused of religious discrimination and retaliation by three…
dd

Ex-Somali colonel faces civil trial in US alleging torture

ALEXANDRIA, Va. (AP) — A northern Virginia man who served decades ago as a…