11/06/2019(BNN) Heerka ugu sarreeya ee uu gaari karo xanuunka qofka bani’aadamka ah ayaa la ogaaday, ka dib markii ay Seynisyahannada isbarbar dhig ku sameeyeen waxyaabo badan oo keena xanuun, sida orodka 3,000 ee mayl iyo arrimo kale.

Waxay khubaradu muujiyeen in heerka tamarta jirka ee xanuunkaasi uu 2.5 jeer ku laba jibbaarmo heerka caadiga ah ee uu adeegsado jirka nasiinada ku jira ee qofka caadiga ah.

Cilmi baaristan oo ay sameysay jaamacadda Duke ayaa sidoo kale muujisay in haweenka uurka leh ay khubaro ku yihiin xanuunka, maadaama marka ay foolanayaan uu heerka xanuunkooda aad ugu dhawaado darajada ugu sarreysa ee uu jirka bani’aadanka xamili karo.

Daraasaddan ayaa lagu billaabay tartanka orodka ee ka dhaca Mareykanka, kaasoo ay ciyaartoydu masaafe dhan 3,080 mayl ku galaan, laga billaabo gobolka California ilaa Washington DC, muddo 140 maalmood ah.

Tartamayaasha ayaa isbuuciiba lix jeer ordayay dhowr bilood gudahood, waxayna seynisyahannadu baaritaan ku sameynayeen saameynta soo gaareysa jirkooda.

Waxaa la eegayay awoodda uu jirku isticmaalayo marka uu nasanayo, ka hor tartanka iyo inta uu socdo.

Sidoo kale waxaa la diiwaan galiyay awoodda uu jirku u adeegsaday u adkeysiga xanuunka xad dhaafka ah ee soo wajahay.

Daraasaddan ayaa dhanka kale muujisay in jirku uu si joogto tamarta hab isku mid ah ugu isticmaalo, ayna ku xiran tahay mar walba howsha uu qabanayo inta ay la egtahay.

Tartanka orodka (hal qof oo kaliya) wuxuu isticmaalay tamar 15.6 jeer ku jibbaaran tamarta uu jirkiisa isticmaalo marka uu nasanayo

Wadayaasha baaskiisla ee ka qeyb galay tartankii 23-ka maalmood socday ee Tour de France waxay isticmaaleen tamar 4.9 jeer ku jibbaaran tamarta uu jirkooda isticmaalo marka uu nasanayo

Qof 95 maalmood ku socday barafka qaaradda Antarctic wuxuu isticmaalay tamar 3.5 jeer ku jibbaaran tamarta uu jirkiisa isticmaalo marka uu nasanayo

“Run ahaantii waad sameyn kartaa waxyaabo aad u adag dhowr maalmood gudahood, laakiin haddaad rabto inaad sii waddo, waa inaad u nasato oo dib usoo billowdo,” ayuu yidhi Dr Herman Pontzer oo ka tirsan jaamacadda Duke, mar uu la hadlayay BBC News.


Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

English News

Can milk reduce the risk of cancer? Milk Protective Agent Against Cancer.

The Israel Cancer Association points to milk as a possible protective agent…
eritra

US removes Eritrea from Counterterror Non-Cooperation List

The United States has removed Eritrea from the list of countries that are…

Russia probe: Mueller says charging Trump was 'not an option

US Special Counsel Robert Mueller said on Wednesday that he is leaving the…

Ethiopia to probe for map that erases Somalia

Ethiopia is launching a probe to find out how a map of Africa on its…

Confutation Respond to Mohamed Olad: DDS’s communication advisor for Somali Regional

Re: Your report on 20th of May aboutthe Ethiopian Embassy,London and the…

First Somali immigrant to lead Minneapolis public housing board

The Minneapolis Public Housing Authority has selected Sharmarke Issa to lead…

Black Women Rally in Defense of Rep. Ilhan Omar +VIDEO

Black Women Rally in Defense of Rep. Ilhan Omar

Dusit attack: Court to rule on whether to release financer

A magistrate court will today rule on whether a man accused of sending money…
dk gw

Australia's worst cabbie? Taxi driver, 69, is banned from the roads after asking a blind passenger for directions

A grandmother has lost her taxi accreditation after she racked up close to…

Accused Somali war criminal found driving for Uber and Lyft in American Suburbs

An alleged Somali war criminal has been working as a driver for Uber and…
k990

Shabaab official justifies attacks on civilians while preaching the sanctity of Muslim blood

Abu ‘Abdurahman Mahad Warsame, a senior Shabaab official, addresses the…
ddddg

Londoner to become first contestant to wear headscarf at Miss Universe Great Britain

A Londoner is set to become the first Miss Universe Great Britain contestant…
kkllll

Ethiopian Airlines CEO wants rigorous review of Boeing 737-MAX planes following fatal crash

Two months after Ethiopian Airlines Flight 302 crashed, killing all 157…

Muslim women accuse Amazon of ‘harassing and hostile’ work conditions

Amazon is being accused of religious discrimination and retaliation by three…
dd

Ex-Somali colonel faces civil trial in US alleging torture

ALEXANDRIA, Va. (AP) — A northern Virginia man who served decades ago as a…