Borama News Network

Ingiriiska Oo Sheegay Hadii Raysal wasaaraha Israa’iil Uu Yimaado Dalkooda In Ay Xidhi Doonaan

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa waxa uu mutaysan doonaa xarig hadii uu tago dalka Ingiriiska, kadib markii waaran soo qabasho ay u jartay maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah ee ICC, sida uu sheegay xafiiska Lambar 10 ee laga xukumo Ingiriiska.

Afhayeen u hadlay xafiiska Lambar 10 ayaa diiday in wax hadal ah ka dhiibto kiis goobi ah balse waxa uu sheegay in dowladda Ingiriiska ay ka go’an tahay in ay fuliso “waajibkeeda sharciga ah”.

Maalintii Khamiista Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC) ayaa soo saartay amar lagu soo xirayo Netanyahu, iyo wasiirkii hore ee difaaca Israa’iil Yoav Gallant, oo lagu eedeeyay dambiyo dagaal oo ka dhacay Gaza.

Waddamada xubnaha ka ah maxkamadda, oo ay ku jirto UK, ayaa saxiixay heshiis ku waajibinaya inay ku dhaqaaqaan amarka qabashada.

Mar la weydiiyay in Netanyahu la xirayo haddii uu soo galo UK, afhayeenka rasmiga ah ee ra’iisul wasaaraha ayaa diiday inuu ka hadlo “sida wax noqon karaan “.

Si kastaba ha ahaatee, wuxuu intaas ku daray: “Xukuumaddu waxay gudan doontaa waajibaadka ka saaran sharciga.”

Related posts

Booliiska Kenya oo faah-faahin ka bixiyay weerar ‘AS’ ku qaadday Magaalada Gaarisa

Abdiaziz Bnnstaff

Daawo:- Dagaalkii Raabka Ahaa Ee Dhex Maray Fanaaniinta U Kala Dhisay Falastiin Iyo Isreal

Abdiaziz Bnnstaff

Safiirka Dalka Ingiriiska U Fadhiya Somaliya Oo Lagu Eedeeyay In Ku Xadgudbay Midnimada Iyo Madaxbanaanida Somaliya

Abdiaziz Bnnstaff