Borama News Network

Iran oo cunaqabatayn la saaray ka dib weerar dhinaca Internerka ah oo ay ku qaadeen Maraykanka

Maraykanka ayaa cunaqabatayno cusub ku soo rogay dalka Iran Salaasadii, iyaga oo bartilmaameedsaday afar qof iyo laba shirkadood oo ay ku eedeeyeen inay ku lug leeyihiin hawlo la xidhiidha xatooyo dhinaca internetka ah, iyaga oo u adeegaya ciidamada dalkaas.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda maaliyadda ee Maraykanka ayaa lagu sheegay in xubnahani ay batlimaameesadeen tobanaan ka mida shirkadaha Maraykanka iyo hay’ado xukuumi ah, iyaga oo adeegsanaya virus-yo kala duwan.

Wasaaradda maaliyadda ee Maraykanka ayaa sheegtay in xubnahan iyo shirkadahani ay u shaqaynayeen ciidamada ilaalada kacaanka ee Iiraan.

Kaaliyaha xoghayaha maaliyadda u qaabilsan arrimaha la dagaalanka argagixisada iyo lacagaha khaldan, Brian Nelson ayaa sheegay in Iran ay sii waddo, inay weeraro ku qaado shirkadaha Maraykanka iyo hay’adaha dawladda, taas oo ay uga danleeyihiin inay khalkhaliyaan kaabayaasha isla markaana ay dhaawac soo gaadhsiiyaan muwaadiniinta Maraykanka.

Cunaqabataynada Salaasadii ayaa ah tallaabadii ugu dambaysay ee ka dhan ah Iran ee ay qaadaan Maraykanka iyo saaxiibadiis.

Toddobaadkii horena, Maraykanka iyo Britian ayaa cunaqabatayno ku soo rogay, nidaamka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iran, ka dib weerarkii ay ku qaaday Israa’iil.

Related posts

Imaaraadka oo bogaadiyay dhexdhexaadinta Turkiga ee dhinacyada Suudaan

Abdiaziz Bnnstaff

“Saddex xisbi oo isku reer ahi ma soo bixi karaan, waa riyo.” Wasiir Gaafaadhi Oo La Hadlay Habarjcelo.

Abdiaziz Bnnstaff

Xogagga mucaaradka Suuriya oo u ruqaansanaya magaalada Xama ee bartamaha Suuriya

Abdiaziz Bnnstaff