Borama News Network

Israa’iil iyo Xisbullah oo qarka u saaran in uu dagaal ka dhex qarxo

Xilli dagaalka Qaza uu sii xoogeysanayo, ayaa waxaa soo baxaysa cabsi isa soo tareysa oo laga qabo in dagaal kale oo Bariga Dhexe uu ka qarxo – taasi oo cawaaqib xumo ku noqon karta gobolka iyo guud ahaan caalamka.

Israa’iil iyo kooxda Xisbullah ee Lubnaan (oo ay taageerto Iran) ayaa sagaalkii bilood ee la soo dhaafay isku ridayay gantaallo xadka ay wadaagaan.

Hadii colaadani isu badasho dagaal buuxa, oo xisbullah iyo Israa’iil ay dagaalamaan, waxa ay keeni kartaa in maleeshiyaadka ay Iran taageerto ee Ciraaq, iyo Yemen kus o biiraan oo ay colaada ku fido bariga dhexe islamarkana uu Maraykanku ku lug yeesho.

Iran lafteeda ayaa si toos ah u faragelin karta. Qaramada Midoobay ayaa ka digtay “musiibo aan laga gudbi karin” haddii uu dagaal u dhaxeeya Xisbullah iyo Israa’iil uu qarxo.

Related posts

Gobolnimada Gabilay Waxaa Sababay Murashax Ciro Xukuumada Iyo Muusena Way Il Duufeen” Suldaan Good

Abdiaziz Bnnstaff

Baarlamaanka Israaiil Oo Ku goodiyay in uu xilka ka qaadayo Xildhibaan qiray in Ciidanka Yuhuudda ay xasuuq u gaysteen Falastiin

Abdiaziz Bnnstaff

“Raysal wasaaraha Soomaliya Xabad baa kaga soo horaysa Laascaanood, waa la buufinayaa..” Xil Shaadh

Abdiaziz Bnnstaff