Borama News Network

Israa’iil oo beenisay eedeynta Qaramada Midoobay Ee Ah Inay Waxyeello Ba’an Gaarsiisay isbitaallada Qasa

Israa’iil ayaa beenisay warbixin ka soo baxday Xafiiska Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay oo sheegaysa in weerarrada Israa’iil ee isbitaallada iyo agagaarkooda ay nidaamka caafimaadka ee Gaza ku riixeen “inuu ku dhawaado burbur isla markaana ay keentay walaac weyn oo ku saabsan dambiyada dagaalka iyo dambiyada ka dhanka ah aadanaha.

Bayaan ay soo saartay Israa’iil ayaa lagu sheegay in warbixintu ay siyaasadaysan tahay, iyadoo lagu eedeeyay Xafiiska Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay inuu xiiso u qabo dhaleeceynta Israa’iil.

Warbixinta QM waxay baartay muddadii u dhaxaysay bilowgii colaadda iyo bishii June ee sannadkan, iyadoo si qoto dheer u sharraxday qaabka ay Israa’iil u weerartay, go’doomisay qasabna dadka uga saartay isbitaallada, taasoo horseedday dilka ama dhimashada bukaannada.

Daraasadda ayaa sheegtay in eedeymaha Israa’iil ee ah in isbitaallada ay si khaldan u adeegsadaan kooxda Xamaas ay yihiin eedeymo aan wax caddayn ah loo heyn.

Hore, madaxa xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay, Volker Turk, ayaa wuxuu sheegay in isbitaallada Qasa ay noqdeen “dabin geeri ama dhimasho”.

Wasaaradda caafimaadka Qasana, waxay hore uga digtay in carruurta dhalaanka ah ay u dhimanayaan xaalad la yiraahdo Hypo-thermiaoo ah qabow daran, gaar ahaan kuwa ku dhasha xeryaha qaxootiga oo ay ku noolyihiin boqolaal kun oo barakacayaal falastiiniyiin ah.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa & Madaxweyne Laftagareen oo kulan wadajir ah la qaatay Senatarrada Aqalka Sare ku metala Koofur Galbeed

Abdiaziz Bnnstaff

Dawo Muuqaal Dhaystiran Xaflada Xilwareejinta Maamulka Degmada

Mustafe haji

Labo garsooreyaal sare ka ahaa Iiraan oo lagu dhex toogtay gudaha maxkamadda ugu sarreysa Iiraan

Abdiaziz Bnnstaff