Borama News Network

Israa’iil oo duqeyn xooggan ku wadda Xisbullah iyadoo ay jiraan baaqyo xabbad-joojin

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa u sheegay militariga dalkaas inay sii wadaan “awoodda buuxda” oo ay kula dagaallamayaan kooxda hubeysan ee Xisbullah, inkastoo Mareykanka iyo xulafada kale ay ku baaqeen xabbad joojin.

Wasaaradda caafimaadka ee Lubnaan ayaa sheegtay in ugu yaraan 92 qof ay ku dhinteen duqeymaha cirka ee Israa’iil maalintii Khamiista, iyadoo boqollaal kalena lagu dilay tan iyo markii duqaymaha ay sii kordhiyeen Isniintii.

Ururka Xisbullah ayaa xaqiijiyay geerida madaxii qeybta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones, kaas oo lagu dilay duqeyn ay Israa’iil ka fulisay koonfurta magaalada Beyruut, ninka la dilay ayaa lagu magacaabaa Mohammad Surur.

Tan iyo isniintii oo ay kordhayeen duqeymaha Israa’iil, waxaa soo badanaya cabsida laga qabo in dagaal dhulka ah oo dhexmara Israa’iil iyo Xisbullah uu qarxo.

Kor u kacca colaadda ayaa keentay in dalal ay ku jiraan Ingiriiska, Mareykanka iyo midowga Yurub ay arbacadii soo jeediyaan xabbad joojin saddex toddobaad ah oo u dhaxaysa Israa’iil iyo Xisbullah.

Waxaa jirta rajo laga qabo in ay tani dhaqan gasho iyadoona Danny Danon, oo ah safiirka Israa’iil ee qaramada midoobay uu sheegay in dalkiisu ay “u furan tahay fikrado”.

Balse shalay oo Khamiis ahayd ayay si buuxda u diideen siyaasiyiinta Israa’iil.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil oo gaaray magaalada New York ee xarunta Qaramada Midoobay, ayaa sheegay in Israa’iil “aysan ka joogsan doonin” Lubnaan inta ay ka gaareyso hadafkeeda oo dhan.

Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa sheegay in hindisaha xabbad joojinta ay “isku dubbarideen” Israa’iil, inkasta oo raysal wasaare Netanyahu uu sheegay in dalkiisu ay sii wadi doonaan dagaalka.

Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska Sir Keir Starmer, oo ka hadlayay shirka qaramada midoobay ee New York, ayaa ku baaqay “xabad joojin degdeg ah si loo helo fursado diblomaasiyadeed” si loo xalliyo khilaafka Lubnaan.

Ku dhawaad 70,000 oo Israa’iiliyiin ah ayaa ka barakacay waqooyiga dalkaas tan iyo markii ay colaadaha u dhexeeya Israa’iil iyo Xisbullah, ee ka dhashay dagaalka Gaza, uu billowday ku dhawaad sannad ka hor.

Dalka Lubnaan, ku dhawaad 90,000 oo qof ayaa ku barokacay tan iyo Isniintii, taas oo ku daraysa 110,000 oo hore uga cararay guryahoodii, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Ilaa Khamiistii, milatariga Israel ayaa sheegay in ay duqeeyeen bartilmaameedyada Xisbullah ee koonfurta Lubnaan iyo dooxda Bekaa ee bariga dalka.

Waxa ay sidoo kale duqeysay kaabeyaasha dhaqaalaha ee xuduudda Lubnaan iyo Suuriya, taas oo ay ku sheegtay in ay ahayd in la gooyo saadka hubka ee kooxda.

Dhanka kale, Xisbullah ayaa sheegtay inay 50 gantaal ku garaacday deegaanka Kiryat Ata, halka 80 gantaal ay ku ridday dhinaca magaalada Safed, oo labaduba ku yaalla waqooyiga Israa’iil.

Related posts

Xirsi burco waxa uu jooga khilaaf soo kala dhex gallay musharax ciro..” Wasiir abdinaasir Buuni

Abdiaziz Bnnstaff

Somaliland Oo Beenisay In La Weeraray Markab u Rarnaa Dekeda Magaalada Berbera.

Abdiaziz Bnnstaff

“Cidna Sharciga kama Sareyso ee Xildhibaanka Waa in si degdeg ah loo soo daayo” Xildhibaano Hadlay

Abdiaziz Bnnstaff