Borama News Network

Israa’iil Oo Markale Duqaymo Ka Geysatay Caasimadda Lubnaan Ee Beirut

Israa’iil ayaa duqeymo cirka ah ka geysatay duleedka koonfureed ee magaalada Beyruut ee caasimadda Lubnaan, waana markii ugu horreysay muddo toddobaad ah.

Waxa ay sheegtay in ay bartilmaameedsatay bakhaar dhulka hoostiisa ah oo ay isticmaali jirtay Xisbullah.

Milatariga Israa’iil ayaa subaxnimadii hore ee saaka soo saaray amar ay dadka ku nool hal dhismo isaga baxayaan.

Israa’iil ayaa si isdaba joog ah u duqeysay koonfurta Beyruut toddobaadyadii la soo dhaafay iyadoo sida caadada u ahbartimaameed ka dhiganeysa kooxda Xisbullah ee fadhigeedu yahay magaalada.

Kooxda ayaa sii waday in ay gantaalada ka soo ridaan xadka.

Israa’iil waxay sheegtay in konton qof loo duuliyay dhanka waqooyiga magaalada Safed habeennimadii, lama soo sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay.

Related posts

Dowlada Itoobiya Oo Urur Goboleedka IGAD Ka Codsatay Shir Deg Deg Ah Oo Lagaga Hadlayo Xiisada Somaliya Iyo Itoobiya

Abdiaziz Bnnstaff

Dowlada Somaliya Oo Soo Dhawaysay Go’aankii Maxkamada Cadaada Aduunka Ee ICJ

Abdiaziz Bnnstaff

18 Qof Oo Lagu Dilay Colaad Ka Dhacday Xadka Tana River Iyo Garisa

Abdiaziz Bnnstaff