Borama News Network

Israa’iil oo qaadday tallaabo kale oo ku jirtay heshiiska xabbad-joojinta

Raadiyaha Ciidamada Israa’iil ayaa maanta ku dhawaaqay in ciidanka ay gebi ahaanba isaga baxeen deegaanka Netzarim oo Qasa ka tirsan, sida ku cad wejiga koowaad ee heshiiska xabbad-joojinta ay Israa’iil la gashay Xamaas, tan oo qorshuhu ahaa inay dhacdo maalinta 22aad ee heshiiska.

Wargeyska Yedioth Ahronoth ayaa isna sheegay in goobaha ay ciidanku isaga baxeen ay ku yaallaan bariga Waddada Salah al-Din, oo micnaheedu yahay in ciidanku aysan joogeynin bartamaha iyo waqooyiga Marinka Qasa, marka ;aga reebo ciidamada Qeybta 162aad oo aagga xadka jooga.

Sida uu wargeysku sheegay, joogitaanka militariga Israa’iil ayaa xaddidnaan doona hadda kuna koobnaan doona Philadelphi Corridor oo koofurta Marinka Qasa ah.

Dhanka kale, hoggaamiye Xamaas ka tirsan ayaa xaqiijiyay in ciidamada Israa’iil ay isaga baxeen Isgoyska Netzarim Junction oo ku yaalla Waddada Salah al-Din, taasoo isku xirta waqooyiga iyo koofurta Marinka Qasa.

Related posts

“Ina Kaahin intii uu Daahir Rayaale xilka hayay maalin abaabul inqilaab iyo jabhadeed ayuu waday”

Abdiaziz Bnnstaff

Gobolka Mareykanka ku yaalla ee soo jiidanaya muhaajiriinta iyadoo Trump uu ballan qaaday inuu tallaabo ka qaadayo qulqulka soo galootiga

Abdiaziz Bnnstaff

Maxaa kajira in Kooxda AS qabsatay deegaanka Wargaadhi oo Madaxweyne Xasan Shekh Sanadkii hore Safa

Abdiaziz Bnnstaff