Borama News Network

Israa’iil oo Qasa ka dhistay khad ciidan oo cusub, sida ay muujinayaan sawirada Dayax gacmeedka

Israa’iil ayaa samaynaysa marin cusub oo militari kaas oo ay ku kala qaybinayso Qasa, waana mid kala qaybinaya dhanka woqooyiga fog ee marinka, sida ay muujinayaan sawirada dayax gacmeedka ee ay heshay BBC Verify.

Ciidamada ayaa gacanta ku haya dhul ballaaran oo ku yaal waqooyiga Qasa, waxa ayna ka wadaan howlgallo.

Sawirro iyo muuqaalo laga soo qaaday dayax gacmeedka ayaa muujinaya in boqollaal dhisme lagu burburiyay qaraxyo la xakameeyey inta u dhaxaysa badda Mediterranean-ka iyo xuduudka Israa’iil.

Sawiradu waxay sidoo kale muujinayaan ciidamada Israel iyo baabuurta gaashaaman ee dagaalka la dul dhigay qaybta cusub.

Falanqeeyayaasha ayaa sheegay in sawiradu ay muujinayaan in Qasa loo kala qaybiyay aagag si ay u fududaato in la xakameeyo.

Afhayeen u hadlay ciidanka Israa’iil ayaa BBC u sheegay inay “bartilmaameedsanayaan hawl wadeennada Xamaas iyo kaabayaasha dhaqaalaha” ee waqooyiga Qasa.

Dr HA Hellyer, oo ah khabiir dhanka ammaanka ah oo ka soo jeeda Bariga Dhexe kana tirsan hay’adda cilmi nafsiga ee Ruushka, ayaa sheegtay in sawirrada dayax gacmeedku muujinayaan in Israa’iil ay isku diyaarinayso inay dadka rayidka ah ee Falastiiniyiinta ka hor istaagto inay ku noqdaan woqooyiga Qasa.

In ka badan 100,000 oo qof ayaa horay uga barakacay waqooyiga fog ee Qasa, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Sawiradu waxay u muuqdaan inay muujinayaan laba qaybood oo dhaadheer oo wadada ah oo ku yaala labada gees ee darafyada oo ay ku xiran yihiin dhul nadiif ah oo dhex mara meel magaalo ah, dhismayaal ayaa lagu burburinayaa inta u dhaxaysa labada qaybood ee wadada, tan iyo horraantii Oktoobar.

Qaybtan ayaa fidsan ilaa 5.6 mayl (9km) oo dhan Qasa, bari ilaa galbeed, iyada oo kala qaybisa magaalada Gaza iyo magaalooyinka Jabalia, Beit Hanoun iyo Beit Lahia ee waqooyiga Qasa.

BBC-da ayaa loo sheegay in ay jirto waddo xeeladeysan oo isku xirta Jabalia iyo magaalada Qasa, taas oo qeyb ka ah dhaq dhaqaaqyo lagu bartilmaameedsanayo Xamaas ee Jabalia.

Muuqaalo ay duubeen ciidamada difaaca Israa’iil oo lagu faafiyay internetka ayaa muujinaya dhismayaal dhowr dabaq ah oo ku burburay qaraxyo la xakameeyey tan iyo bilowgii Oktoobar.

Sawirka hoose wuxuu muujinayaa tusaalayaal juqraafiyeed ay samaysay BBC Verify oo ku teedsan marinka cusub.

Afhayeen u hadlay ciidanka Israa’iil ayaa BBC-da u sheegay in aysan wax niyad ah u qabin burburinta kaabayaasha rayidka “iyada oo aan loo baahnayn hawlgal” si looga takhaluso Xamaas.

Muuqaalo kale ayaa muujinaya baabuurta ciidanka Israa’iil ee Humvees oo lagu dhex wado aagga la nadiifiyey ee dhinaca Israa’iil.

Humvees ma aha kuwo aad u gaashaaman sida baabuurta kale ee militariga, Dr Hellyer ayaa BBC-da u sheegay in ay u badan tahay in aan la isticmaali karin haddii aysan milatarigu ku kalsoonayn ammaankooda, taas oo muujinaysa in ciidammada Israa’iil ay maamulayaan aaggaas.

Falanqeeyayaasha qaar ayaa aaminsan in joogitaanka ciidanka Israa’iil ay muujin karto qayb militari oo joogto ah, taas oo siinaysa inay maamusho cidda u safri karta Qasa iyo gobollada Waqooyiga Qasa.

Dr Hellyer wuxuu ka yiri ciidanka difaaca Istraa’iil : “Waxay qodayaan muddo dheer. Waxaan runtii filan lahaa in qaybta waqooyi ay u horumarto sida Waddada Netzarim.”

BBC-da ayaa horey u diiwaan galisay sida labo qeybood looga dhisay Gaza tan iyo markii uu bilowday dagaalka hadda socda. Waddada Netzarim ayaa kala qaybisa aagga koonfurta ka xigta magaalada Qasa, halka waddada Philadelphi Corridor ay siinayso ciidanka Israa’iil inay maamulaan dhulka dhererka xadka Qasa ay la wadaagto Masar.

Falanqaynta BBC-da ee qaybtaan cusub ee waqooyiga waxay muujinaysaa qaab la mid ah dhismooyinkii hore, iyadoo laamiyadii hore iyo kuwa cusub ee la dhisayba la isku xirayo isla markaana ay soo baxayaan goobo ciidan oo joogto ah.

Dhismayaasha iyo dhul beereedka ayaa la banneeyay si waddooyin laami ah loo sameeyo, loona dhiso kaabayaasha ciidamada.

Dr Eado Hecht oo ka socda Xarunta Begin-Sadat ee daraasaadka istaraatiijiyadda (Besa), oo ah hay’ad laga leeyahay Israa’iil oo ku takhasustay amniga qaranka iyo siyaasadda arrimaha dibadda, ayaa isku raacday in xogtani ay muujinayso khad qaybineed cusub, balse waxa uu su’aal ka keenay in tani noqon karto inay ahaato mid waarta.

Israa’iil ayaa beenisay inay fulinayso “qorshaha guud ee istaraatiijiyadda, oo uu dejiyay Jeneraalkii hore ee Giora EIland, kaas oo ahaa in dadka rayidka ah loo sheegi doono inay ka baxaan waqooyiga, saadkana la xannibi doonaa, aaggana uu noqon doono aag militari.

Hadal uu siiyay BBC-da ayuu afhayeen u hadlay ciidanka difaaca Israa’iil ku yiri: “Ciidanku waxay ku shaqeeyaan qorshayaal ciidan oo si wanaagsan loo aasaasay, sheegashada ah in IDF ay fulinayso qorshahan gaarka ah waa khalad.”

Balse walaac ayaa ka dhashay badqabka kumanaanka shacabka Falastiiniyiinta ah ee ku haray magaalooyinka go’doonsan ee waqooyiga Qasa.

Qaramada Midoobay iyo hay’adaha samafalka ayaa walaac weyn ka muujiyay xaaladda waqooyiga Qasa, iyadoo kumannaan qof ay barakaceen, Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in in ka badan 65,000 oo qof ay ku sii sugnaan karaan aagga.

Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale sheegtay in “ku dhawaad ​​​​wax gargaar ah” aysan soo galin qaybo ka mid ah gobolka Waqooyiga Qasa 40 maalmood, 20kii Nofembar.

Afhayeen u hadlay 26kii Noofambar ayaa sheegay in Falastiiniyiintu ay wajahayaan “gabaabsi daran oo sahay iyo adeegyo ah, iyo sidoo kale ciriiri daran iyo xaalado nadaafad xumo” go’doominta awgeed.

Horaantii bishaan, qiimeyn ay taageerto Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in ay jirto suurtagalnimo xooggan oo ah in macluul ay ku soo fool leedahay deegaannada la go’doomiyay ee waqooyiga Qasa.

Falanqaynta BBC-da waxay muujineysaa in ku dhawaad ​​90% waqooyiga Qasa lagu soo rogay amarrada daadgureynta tan iyo bilowgii Oktoobar.

Muuqaalo lagu soo bandhigay baraha bulshada ayaa cadaynaya dadka loo raray koonfurta qaybta cusub, ma cadda inay dib u laaban karaan iyo goorta ay dib u laaban karaan, balse wasiirka arrimaha dibadda ee Israa’iil ayaa ku adkaystay in dadka rayidka ah loo ogolaan doono inay dib u laabtaan dagaalka ka dib.

Sawirrada dayax gacmeedka ayaa muujinaya barakaca dadka ku nool waqooyiga Qasa.

Iyadoo ciidamada Israa’iil ay u muuqdaan in ay deegaanka ka sameysteen koontarool ku filan oo ay ku socdaali karaan gaadiidka gaashaaman ee fudud, ayaa waxaa sidoo kale deegaanka ka dhacay dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada Israa’iil iyo kuwa Xamaas.

Muuqaalo ay soo bandhigeen dagaalyahanada Xamaas ayaa muujinaya iska horimaadyo ay la galayaan taangiyada dagaalka Israa’iil ee ku sugan agagaarka jiidda kala qeybisa.

Khubarada ayaa isku khilaafsan ilaa inta qaybta cusub la doonayo in lagu sii jiro.

Dr Hellyer waxa uu soo jeediyay in ay aasaas u noqon karto qorshaha Falastiiniyiinta looga saarayo aagga si joogto ah.

“Shaqsi ahaan waxaan u maleynayaa inay dejin doonaan dadka Israa’iiliyiinta ah ee dagan waqooyiga, malaha 18ka bilood ee soo socda,” ayuu yiri.

Wasiirka maaliyadda ee midigta fog ee Israa’iil Bezalel Smotrich ayaa sheegay in ciidamada ay tahay in ay qabsadaan Qasa, dadka rayidka ah ee Falastiintana u sheegaan in ay ka baxaan dhulkaas laba sano gudahood.

Laakiin Israa’iil ayaa beenisay in ay qorshaynayso inay deegaamayn ka samaysato Qasa marka uu dagaalku dhammaado.

Related posts

Dowlada Masar oo heshiis la gashay inta badan Dalalka Xuduudaha la wadaaga Itoobiya & welwelka Addis Ababa oo sii kordhay

Abdiaziz Bnnstaff

Namibiya Oo Xannibtay Markab Looga Shakiyay In Uu Hub-u-Wado Israa’iil

Abdiaziz Bnnstaff

Dowlada Jarmalka Oo Shaqaalaysiinaysa 250 Kun Oo Kenyaan Ah Iyo Nuucyada Shaqo Ay Qabanayaan Dadkaasi

Abdiaziz Bnnstaff