Borama News Network

Israa’iil oo weerar baahsan ku qaaday Daanta Galbeed ee lahaysto

Ugu yaraan 11 qof falastiiniyiin ah ayay ciidamada Israel ku dileen waqooyiga Daanta Galbeed ee la haysto, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka Falastiin.

Shan qof ayaa lagu soo waramayaa in lagu dilay weerar cirka ah oo ka dhacay xerada qaxootiga ee Al-Fara, halka 6 kale ay ku dhinteen duqeyn diyaaradeed iyo iska horimaad hubeysan oo ka dhacay Jenin.

Ciidamada ammaanka ee Israa’iil ayaa sheegay in ay “hawlgal ka dhan ah argagixisada” ay ka fuliyeen Jenin iyo Tulkarm. Tani waxay u muuqataa hawlgal weyn oo Israel, iyadoo ugu yaraan afar magaalo oo Falastiiniyiin ah isku mar la beegsaday – Jenin, Tulkarm, Nablus iyo Tubas.

Waxaa la rumeysan yahay inay tahay markii ugu horeysay tan iyo kacaankii labaad – oo ahaa kacdoon weyn oo Falastiiniyiin sameeyeen intii u dhexeysay 2000 ilaa 2005 – in dhowr magaalo oo falastiiniyiin ah sidan oo kale isku mar loo beegsado.

Wararka falastiiniyiinta ayaa sheegaya in waddooyinka muhiimka ah ee soo gala Jenin ay xidheen iska hor imaadyo hubeysan oo ka dhacay xerada qaxootiga ee magaalada.

Duqeymo dhanka cirka ah oo ay fuliyeen ciidamada Israa’iil ayaa la sheegay in lala beegsaday gaari marayay tuulo u dhowayd Jenin waaberigii

Ciidamada Israa’iil ayaa la sheegay in ay galeen cisbitaal ku yaalla Jenin oo ay laba ka xidheen Tulkarm.

Duqeymaha ay ciidamada Israel ku qaadeen Nablus ayaa lagu soo waramayaa inay ku wajahan yihiin laba xero oo qaxooti oo halkaasi ku yaalla.

Xerada Far’a ee u dhow Tubas, dhakhaatiirtu waxay sheegeen in ambalaasyadu ay ku dhibtoonayaan in ay gaaraan dadka dhaawaca ah ka dib markii ay duqayn diyaaradeed ay halkaas Israa’iil ahi geysatay.

Milateriga Israa’iil ayaa tafaasiil yar ka bixiyay balse bayaan ay soo saareen ayay ku sheegeen in ciidamada difaaca Israa’iil, Shin Bet iyo ciidamada bilayska xuduudaha Israa’iil ay “hadda wadaan hawlgal ka dhan ah argagixisada si ay uga hortagaan argagixisada Jenin iyo Tulkarm”.

Related posts

Xuutiyiinta Dalka Yeman Oo Maanta Weerar Ku Qaaday Labo Markab Oo Laga Kala Leeyahay Maraykanka Iyo Uk

Abdiaziz Bnnstaff

Wasiir Cabdinaasir Buuni Oo Ka Hadlay Anxintiisa Ay Maanta Ansixiyeen Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland

Abdiaziz Bnnstaff

Cimraan Khan oo ka hadlay wararka sheegayey in uu isbahaysi la samaysanyo xisbiga ay iskasoo horjeedaan

Abdiaziz Bnnstaff