Borama News Network

Israa’iil oo weerar dad badan ku dhinteen ka fulisay waqooyiga Qaza

Duqaymo ay Israa’iil ka fulisay magaalada Beit Lahia, ee waqooyiga Qaza, waxaa ku dhintay ugu yaraan 73 qof oo ay ku jiraan haween iyo carruur, sida ay sheegeen maamulka Falastiiniyiinta ee Xamaas.

Tobaneeyo kale ayaa ku dhaawacantay, qaar badanna weli waxay ku hoos jiraan burburka dhismayaasha ka dib duqeyntii xalay, sida ay saraakiishu intaa ku dareen.

Israa’iil ayaa sheegtay inay hubineyso wararka sheegaya khasaaraha balse waxa ay beeniyeen tirooyinka ay soo bandhigeen mas’uuliyiinta Xamaas waxa ayna ku tilmaameen “Buunbuunin” oo aanay isu dhigmin xogta ay hayyaan ciidankooda.

Duqeymaha ayaa ku soo aadaya saacado uun kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in “rasaas culus” ay ciidamada Israa’iil ku fureen isbitaalka Indonesia ee ku yaalla bartamaha magaalada.

Saraakiisha caafimaadka Qaza waxaa kale oo ay sheegeen in dagaalka iyo duqeymaha haatan ka jira magaalada Beit Lahia, ay saameyn ku yeesheen isgaarsiinta iyo adeegyada internetka gobolka.

Xafiiska warbaahinta dowladda ee Xamaas ay maamusho ayaa sheegay in duqeynta lala beegsaday “xaafado badan” ayna ku dhinteen 73-qof, halka tiro kalena ay sheegtay wasaaradda difaaca rayidka ee Qaza, BBC-da si madaxbanaan uma xaqiijin karto tirooyinka.

Sida ay ku warantay wakaalada wararka Falastiin ee Wafa, waxaa gebi ahaan duqeymaha ku burburay dhismeyaal la deganaa.

Ciidamada difaaca Israa’iil ayaa BBC-da u sheegay in ay duqeeyeen “bartilmaameedka Xamaas” ayna sameynayaan wax kasta oo suurtagal ah si ay uga fogaadaan inay dhibaato u geystaan dadka rayidka ah.

Dhanka kale waxa ay sheegeen in khasaaraha ay baahiyeen xafiiska Xamaas uu ahaa mid la buunbuuniyay, iyagoona xusay in ilawareedyada noocaan oo kale ah aanan si weyn loogu kalsoonaan karin.

Israa’iil ayaa horraantii bishaan Oktoobar billowday weerarro millatari oo ka soo cusboonaaday waqooyiga Qaza, iyadoona sheegtay inay ka hortagayaan Xamaas inay dib isku uruursato aaggaas.

Si gaar ah ciidanka Israa’iil waxa ay isu gadaameen oo ay duqeymo la beegsadeen aagga Jabalia oo ay dadku ku badan yihiin, waxaana halkaas ku yaalla xero qaxooti, iyadoona la sheegay in galinkii danbe ee jimcihii lagu dilay ugu yaraan 33-qof.

Dhanka kale kooxaha bini’aadantinimada ayaa horay uga digay in wax gargaar ah uusan soo galin aaggaas dhowrkii toddobaad ee la soo dhaafay.

Tirakoobyada Israa’iil ayaana muujinaya in gargaarkii la geyn jiray Qaza guud ahaan uu burburay marka la barbar dhigo isla muddadaas bishii Sebtembar.

Joyce Msuya, oo ah sarkaalka ugu sareeya Qaramada Midoobay ee arrimaha bini’aadantinimada, ayaa Sabtidii sheegtay in falastiiniyiinta ku sugan waqooyiga Qaza ay u adkaysanayaan “dhibaato aan la soo koobi karin” waxayna ku baaqday “xadgudubyadaan” in la joojiyo.

Wasiir ka tirsan Israa’iil oo lagu magacaabo Amichai Chikli, ayaa BBC-da u sheegay in Israa’iil ay ” xannibtay” qaybo ka mid ah waqooyiga Qaza.

“Waxaan u ogolaanay dadka rayidka ah inay u guuraan aagga nabdoon, waxaana ka hortagnay saadka si ay u galaan gobolka go’doominta,” ayuu u sheegay barnaamijka Newsshour ee BBC-da.

Waxa uu ku adkaystay in tani ay tahay “sharci sida uu qabo sharciga caalamiga ah”.

Israa’iil ayaa marar badan beenisay in ay ka hortagayso gargaarka bini’aadannimo ee soo gala Qaza, balse dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in la kordhiyo gargaarka galaya Qaza, haddii Israa’iil ay ku sameyso is hor istaag ay la kulmi karto khatarta ah in qaar ka mid ah kaalmada milatari ee Maraykanka laga gooyo.

Related posts

Waxaa Dib u Billowday Duulimaadka Diyaaradaha Muqdisho Iyo Baydhabo Oo Saacado Hakad Ku Jiray

Abdiaziz Bnnstaff

Dumarka Hargaysa Oo Bilaabay Sheekeeyinkii Reer Muqdisho Iyo Dhacdo Yaab Leh Oo Ka Dhacday Hargeysa

Abdiaziz Bnnstaff

“Hal Waxaan Leeyey Madaxwayne Muuse Labana” Abwaan Yuusuf Shaacir Oo Ka Hadlay Doorashooyinka.

Abdiaziz Bnnstaff