Borama News Network

Israa’iil oo weerar ku qaadday Dimishiq xilli uu shir ku jiray madaxweynaha dalkaas Bishaar Al Asad

Wakaaladda wararka ee Suuriya ayaa sheegtay in ugu yaraan 15 qof ay ku dhinteen duqeymo ay diyaaradaha Israa’iil ku qaadeen laba dhismo oo la deggan yahay oo ku yaalla galbeedka magaalada Dimishiq.

Sida warbixinta lagu sheegay mid ka mid ah dhismayaashan ayaa ku yaalla xaafadda Meze ee magaalada Dimishiq, halkaasoo xarun u ah hay’adaha ammaanka, safaaradaha iyo hay’adaha Qaramada Midoobay ee dalkaas.

Sida warku sheegayo dhismaha labaad ayaa ku yaalla xaafadda Qudsiya ee galbeedka magaalada Dimishiq.

Isla mar ahaantaana, wakaaladda wararka ee Reuters ayaa qortay in Israa’iil, iyadoo xaqiijinaysa weerarada, ay sheegtay in “goobaha militariga” iyo sidoo kale xarumaha Islaamik Jihaad la duqeeyay.

Sida ay ku warantay wakaalada wararka ee AP, sarkaal ka tirsan kooxda Jihaad Islaami ee Falastiiniyiinta ee ka dagaalanta dalka Suuriya oo diiday in magaciisa la shaaciyo ayaa u sheegay wakaaladan in mid ka mid ah xafiisyadooda lagu bartilmaameedsaday weerar ka dhacay xaafadda Meze oo ay ku sugnaayeen xubno badan oo ka tirsan ururkaasi. Khasaare dhimasho ayaa jira.

Weerarkan ayaa dhacay xilli uu dalkaasi Suuriya tagay Cali Larijani oo ah la taliyaha hogaamiyaha jamhuuriyada Islaamiga ah ee Iran ee dalka Suuriya, waxaana uu kulamo uu la yeeshay Bashaar Al-Asad iyo saraakiil kale oo Suuriyaan ah. Lama oga in Mr. Larijani uu weli ku sugnaa Dimishiq iyo Suuriya xilliga weerarku dhacay

Related posts

Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Somaliya Oo Kulan La Qaatay Dhalinyaro Tobabar Ciidan Ugu Maqan Dalka Dibadiisa

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxwayne Xasan Sheekh Oo Kulan Ka Qaatay Madaxwaynaha Dalka Tanzaniya Iyo Waxyaabaha Ay Ka Wada Hadleen

Abdiaziz Bnnstaff

Golaha Wasiirrada Xukuumada Somaliya Oo Kulan Ka Yeeshay Qodobada Dastuurka Ee Dib u Eegista Lagu Sameeyay

Abdiaziz Bnnstaff