Borama News Network

Israa’iil oo weerartay fariisimo ay Xisbullah ku leeyihiin dalka Lubnaan

Ciidamada cirka ee Israa’iil ayaa weerarro ku qaaday fariisimo ay Xisbullah ku leeyihiin dalka Lubnaan, kadib markii gantaal lagu weeraray dhulka buuraleyda ah ee Golan oo ay Israa’iil maamusho iyadoona halkaas ay ku dhinteen 12 qof oo isugu jiray caruur iyo dhalinyaro kubad ciyaaraysay.

Israa’iil ayaana Xisbullah ku eedaysay in ay weerar ku qaadeen mid ka mid ah bulshooyinka Carabta ee dagan dhulka Israa’iil kuwaas oo loo yaqaan Druze waxa ayna daganyihiin magaalada Majdal Shams.

Ciidamada difaaca Israa’iil ayaa sheegay in ay duqeeyeen todobo goobood oo fariisimo u ah Xisbullah inkasta oo aysan xaqiijin wax khasaare ah.

Xisbullah ayaa dhankooda beeniyay in ay weerar gantaal ah ku qaadeen dhulka buuraleyda ah ee Golan ee ay Israa’iil maamusho.

Weerarka gantaal ee lala beegsaday magaalada Majdal Shams ayaa noqonaya midkii ugu darnaa ee ka dhaca xadka waqooyiga Israa’iil tan iyo markii ay Xamaas weerartay Israa’iil bishii Oktoobar 2023.

Israa’iil ayaana shaacisay magacyada iyo da’da toban kamid ah dadka dhintay kuwaas oo u badnaa caruur, waxaa sidoo kale dadka dhintay kamid ah qof aan la ogeyn da’diisa.

Related posts

Madaxwayne Xasan Sheekh Oo Ka Tacsiyeen Madaxwayne African Ah Oo Kansar U Geeriyooday

Abdiaziz Bnnstaff

Urur Siyaasadeedka Kaah Oo Fariin U Diray Taageerayaashiisa

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxweynayashii Ina Soo Marey Qaar Waxa Ay Ahayeen Maamulayaal Laakin Cigaal Hogaamiye Ayuu Ahaa Cirana Waa Cigaalkii Labaad

Abdiaziz Bnnstaff