Borama News Network

Israel oo weerartey caasimadda Lubnaan iyo madax sare oo laga shakisan yahay in ay dileen

Israel ayaa qaadday weeraro aan la filayn oo ay ku jihaysan caasimadda Lubnaan, iyada oo bartilmaameedsatay xarumaha kooxda Hezbollah ee taageersan Iiraan iyo keydadka hubkeeda.

Weerarradii ugu horreeyay ayaa la rumeysan yahay in lagu bartilmaameedsaday hoggaamiyaha kooxda, Hassan Nasrallah, isla markaana sida oo kale la burburiyay dhismayaal ku yaalla koonfurta Beyruut.

Ugu yaraan lix qof ayaa lagu dilay weerarka, balse weli wax war ah lagama hayo xaaladda Hassan Nasrallah.

Lamana saadaalin karo oo waa goor hore in la sheego haddii weerarkaas uu ku dhintay hoggaamiyihii kooxda, Sayid Hassan Nasrallah, sida uu sheegay sarkaal sare oo Israa’iili ah oo la hadlay warbaahinta gudaha ee dalkaas

“Waa goor hore in la sheego, laakiin waad ogtahay, waa arrin waqti uun ah. Mararka qaar way qariyaan xaqiiqda marka aan guuleysanno,” ayuu yidhi sarkaalkaas oo ka jawaabayay su’aal ahayd haddii weerarka Israa’iil ee Jimcaha ay ku dileen Nasrallah.

Ciidamada Israel ayaa amray in dadka ku nool saddex aag oo gaar ah ay guryahooda ka baxaan, kadibna waxay fuliyeen in ka badan labaatan weerar oo kale muddo shan saacadood ah.

Kumannaan qof ayaa guryahooda ka qaxay iyagoo gabbaad ka raadinaya barxadaha, fagaareyaasha iyo laamiyada Beyruut.

Ciidamada Difaaca Israel (IDF) ayaa sidoo kale sheegay inay bartilmaameedsadeen goobo ku yaalla magaalada Tyre ee koonfurta Lubnaan, halkaas oo ay ku dileen taliyeyaal ka tirsan Hezbollah.

Related posts

Dowlada Malaayiin Dolar Ku Bixinaysa In Ay Haweenku Dhalaan Iyo Dumarkii Dalkaasi Oo Lagu Kariyaayay Dalmada

Abdiaziz Bnnstaff

Qaramada Midoobey: 14 sano Ayey Qaadan Doontaa si Loo Nadiifiyo Qasa

Abdiaziz Bnnstaff

“Hadii Uu Muuse Biixi Doorasho Qaban Waayo Waxay Noqonaysaa In Isaga La Waayo Ama Somaliland Ayaa La Waayi” Cali Guray

Abdiaziz Bnnstaff