Borama News Network

Isreal Oo Weerar Dhanka Dhulka Ah Ku Qaaday Lubnaan Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Dagaalka

Israa’iil ayaa sheegtay inay fulisay weerar dhulka ah oo xaddidan oo ka dhan ah bartilmaameedyada urrurka Xisbulah ee dalka Lubnaan.

Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in howlgalku ahaa mid kooban, waxaana lagu kabay duqeymo dhanka cirka ah iyo gantaallo.

Bayaan ay soo saareen ayay ku sheegen in ay bartilmaameedsadeen Xisbullah,, xili ay ku sugaanyeen “tuulooyin u dhow xadka” Israa’iil.

Mid kamid ah duqeymahaas ayaa lagu soo warramayaa in ay ku dhacday xero weyn oo ay ku sugnaayeen dad Falastiiniyiin ah oo ku taalla magaalada Sidon ee koonfurta waddanka Lubnaan.

Duqeymaha ayaa hore uga dhacay koonfurta fog ee Lubnaan, kadib markii ciidamada Israa’iil ay dadka rayidka ah ku wargeliyeen inay ka baxaan goobtaas..

Xukuumadda Israa’iil ayaa sheegtay inay dooneyso inay suurtageliso in lixdan kun oo Israa’iliyiin ah oo barakacay ay dib ugu laabtaan guryahoodii.

Ku xigeenka hoggaamiyaha Xisbullah ayaa ku adkeeystay, in dagaalyahanada kooxdu ay diyaar u yihiin inay ka hortagaan duulaanka Israa’iil.

Related posts

Dowladaha Imaaraadka iyo Jabuuti oo ka wada hadlay qodob xaasasi ah

Abdiaziz Bnnstaff

Shacabka Hargaysa oo si Adag uga hadley Xeerka Madaxwaynuhu ku celiyey Golaha Guurtida

Abdiaziz Bnnstaff

“Kaadhadhkii ayuu Kulmiye iibsanayaa, wuxuu soo galay guriyhii oo kaygu kamid yahay” Masuul Ka Tirsan Xisbiga Waddani

Abdiaziz Bnnstaff